Qayb 3aad, Waraysigii Cibaado Maxamed Tarabi

 

Afeef: hadii uu ruuxu siyaasad galo laguma tixgaliyo jinsiga uu dadka ka yahay. Waxaa naga soo dhex galay qaybtii 3aad ee waraysigii Cibaado, warbixintii guddigi baadhista ee Dilkii Dr. M S Dolal, oo anaga laftiganagu aanu akhriyeynay iyo anaga oo fursad siinaynay akhristayaasha.

Kolkii inoogu isku dambaysay waraysigu wuxuu inoo joogay Cibaado iyo Dr. Dolal oo uu xidhiidh wanaagsan oo dhinaca qadyada Somalida Ogadeeniya ah ay dhexmartay, Intuu uu godaha joogayna ay wada hadli jireen.

Rasaas; Cibaado, kolkii ay soo yeedhay in la dilay Dr M S Dolal, waxaa Joogtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab, soo dhab ma aha?
Cibaado; haa waa dhab, xiligaas waxaan joogay xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

Rasaas; Cibaado markii aad maqashay geerida Dr. M S Dolal, ma ka naxday, intee in la egg bayse ahayd hadaad xusuusato?
Cibaado; Haa aad baan uga naxay, ma xusuusto ruux dhinta oo aan qoyskayga ahayn oo aan sidaas uga naxo, runtiina naxdintu kaligay iguma koobnayn ee guud ahaan waxay saamaysay dadkii deganaa xerada dhadhaab. Xiligaas ruux aan arko oo aan u ooyeynin ma arkin rag iyo haweena.

Rasaas;
Maxaad u malaynaysaa in ay dadku la ooyayeen?
Cibaado; Dr. Dolal, waxaa uu ahaa halgamaa, wuxuuna ahaa ruuxa ugu magaca dheeraa halganka uu waday ururka ONLF, runtiina waxaan odhan karaa waxaa uu ahaa aabayaashii ururka. Iyo arinta kale ee dadka Oohisay oo ahayd in oo kolkii hore shacabka si loogu sheegay, balse kolkii uu dhintay la ogaaday in ay ahayd mardabo lagu waxyeelaynayey Dr. Dolal. Dhabtiina waxaa uu ahaa ruuxa ugu daacadsanaa halganka Ogadeeniya.

Rasaas;
Cibaado Adigu ma Oyday?
Cibaado; Haa aad baan u Ooyey.

Rasaas; Cibaado, adiga iyo Dr. Dolal, dhalasho iyo qadyad wax ka wayn miyaa idinka dhaxeeyey?
Cibaad; Maya halgan iyo dhalasho wax aan ahayn oo naga dhaxeeyey ma jirin.

Rasaas; Cibaado, xiligii hubaal la,aanta ee dhimashada Dr. Dolal, waxaad sheegtay in Dhabuuke Ceelaabe kaala soo hadlay Telefoonkaaga gacanta, uuna kuu sheegay in Dr. Dolal uu la joogo uuna dhaawac fudud yahay, arinkaas ma dhabaa?
Cibaado; Haa, arinkaasi waa dhab, waxay ahayd xili fiid ah ilaa 8:00pm, telefoonkayga gacanta waxaa igala soo hadlay Dhabuuke Ceelaabe, wuxuuna ii sheegay in Dr. Dolal dhaawac yahay, uuna ladan yahay, kolka aan tagno meel amaan ah ayuu idinla soo hadli doonaa, wuxuu iga codsaday in aan qoyska Dr. Dolal fariinta gaadhsiiyo, wuuna igu dhigay. Waxaa kale oo uu igu adkeeyey in aanan warka ruux walba u sheegin.

Rasaas; Mudo intee dhan ayuu kula hadlay?
Cibaado; Qiyaastee hal ama labo daqiiqo.

Rasaas; Cibaado maxaad dareentay kolka aad maqashay codka Dhabuuke iyo Fariinta?
Cibaado; Waxaan dareemay, sidii ruux qandho haysay oo cunay kiniin xanuun bi,iye ah.

Rasaas; Cibaado Fariinta ma gaadhsiisay qoyska Dr. Dolal.
Cibaado; Haa, isla markiiba waxaan telefoon u diray oo aan la hadlay xaaska Dr. Dolal, Xaliimo.

Rasaas; Cibaado, markaa ka dib maxaa dhacay?
Cibaado; Waxaa markiba dacalada aduunka igala soo hadlay dad aad u badan kuwo aan garanayo iyo kuwo aanan garanayninba, waxaanan ku qasbanaaday in aan u sheego dadka aan garanayo.

Rasaas; Cibaado arin sahlan ma aha, in nin masuul ahaa oo la sheegay geeridiisa, hadana la yidhi geeridii waa been, in war loo sheegay ruux kaliya ay dadku ku qancaan, sideed u qancisay dadka?
Cibaado; Marar badan ayey dad igu soo cel celiyeen telefoon iyaga oo is leh wax hubsada, aniguna waxaan u sheegayey hadalkii uu Dhabuukee ii sheegay ee Ilaahay igu ogaa.

Rasaas; Cibaado ina ma ka shakiday telefoonkii Dhabuuke in uu isaga ahaa iyo in ay cid kale ahayd?
Cibaado; Maya marna shaki igama galin, waayo Dhabuuke codkiisa si wanaagsan ayaan u aqaanaa, waana aan wada hadli jiray.

la soco qayb 4aad, waraysiga gogol xaadhka, arimo xasaasiya

Arimaha bulshada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo