Qaxootiga Tirada Badan ee Itobiya ee ku Qulqulaya Yemen oo Laga Xaajooday

 

Sanaca, Feb 12, 2011 [ras] – dawladaha Yemen iyo Itobiya oo maanta ka wada xaajooday hanaan iskaashi ah oo ay wax kaga qabanayaan qaxootiga Itobiyanka ah ee sida sharci darada ah ee xad dhaafka ah ugu qul qulay dalka Yemen.

Wada xaajoodka ayaa ka dhacay meel kulan ah oo ay isugu yimaadeen ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee Yemen  Ali Mothan iyo sariifka Itobiya u fadhiya dalka Yemen Xasan Cabdullahi Cli.

Mothana iyo Cali waxay dib u eegid ku sameeyeen sidii ay suurto gal ku noqon lahay in si isku dhaf ah wax looga qabto arinta qaxootiga sharci darada ah.

Sanakii ina dhaafay, xukuumada Yemen ayaa dalkeeda ka masaafurisay in ka badan 1000 ruux oo Itobiyan ah oo ay ka mid ahaayeen haween, dadkaasi waxay ku kala firidhsanaa dalka Yeman iyaga oo ka mid ahaa qaxooti badan oo ka yimid dalalka geeska Afrika.

rasaasa.com