Qaxooti Ethiopian ah oo Yeman Laga Daad Guraynayo

 

Ugu yaraan 2,000 oo ruux oo qaxooti Ethiopian ah, oo ku xayiran dalka Yeman ee ay colaado ka hurayso, ayay daad guraynaysaa hayada caalamiga ah ee qaxootiga [the international organisation for migration (iom)].

Hayadu waxay sheegtay in ilaa iyo hada ay ka duulisay halkaas 275 oo Ethiopian ah, oo qaar ka mid ah ay dhaawac yihiin.

Dalka Yeman ayaa waxaa dhacay mudo bilooyin ah rabshado, ka dib kolkii uu Madaxweynuhu diiday dalabaadka mucaaradka oo ah in uu xafiiska ka tago.

Bishii ina dhaaftay, laba ka mid ah qaxootiga Somalida ayaa lagu dilay rabshadaha ka socda caasimada Sanca.

Yeman mudo dheer waxay u ahayd dhaxsin qaxootiga sharcidarada ah ee ka imanaya geeska Africa.
Hayada IOM, waxay ku qiyaastay tirada qaxootiga ka yimid Somaliya iyo Ethiopia ee soo galay sanadkan dalka Yeman in ay kor udhaafayaan 37, 000.

Dadkaas oo filayey in ay u gudbaan dalal kale sida Sacuudiga, laakiin lagu xareeyey xera qaxooti oo xadka dhanka Yeman ah.

Kufsi badan ayaa lagula kacaa dadka qaxootiga ah, iyada oo aan loo kala aabo yeelaynin rag iyo dumar.
Mid ka mid ah qaxootiga Ethiopia, oo magaciisa hore kaliya ku sheegay Edris, ayaa BBC-da u sheegay “in uu arkay 8 nin oo ah kuwa dadka kaxeeya oo fuulaya haweeney.”

Wuxuu yidhi Edris”kuwii na waday kuleen xero ayey na galiyeen, way na ilaalinayeen, wayna faraxumaynayeen haweenka, anigu waan soo baxsaday.”

IOM, waxay sheegtay in 275 Ethiopian ka ah ee la kaxeeyey in 34 ay ahaayeen haween, 115-na ay ahaayeen caruur.

Waxaa kale oo ay hayada IOM, ku talo jirtaa in ay kaxayso 1,900 Ethiopian ah oo ku xayiran xadka u dhaxeeya Yeman iyo Sacuudi Carabiya.

Dadka wararka ruuga ayaa leh, Yeman waxay gashay colaad sokeeye oo la iskuhaysto siyaasad, qolo qolo iyo ururo diimeed oo xukun ku dagaalamaya.

Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax, wuxuu ku dhaawacmay bambaano lagu tuuray gurigiisa Sanca bishan horaanteedii. Waxaana lagula cararay Sacuudiga si loogu daweeyo walina ma soo noqon.

Cali wuxuu madaxweyne ahaa in ka badan 34 sano, wuxuuna leeyahay in uusan yeelaynin casilaada ay waydiinayaan mucaaradku.

Maraykanka ayaa cabsi ka qaba in Al-qaciida ay ka faa,iidaysato hadii ay dhacdo madhnaansho siyaasadeed, taas oo xoojin soo jiidashada dadka dalka Yeman.

rasaasa.com