Qabridahare: Roob Dabayl Leh oo Waxyeelo Keenay

 

Jijiga, April 21, 2012 [ras] – Roobab duufaan wata oo ka da,ay magaalada Qabridahare shalay galab ayaa keenay khasaare xoog leh oo gaadhay dhismayaasha magaalada.

Dhismayaal aad u badan ayey dabayshu ka diirtay saqafka koro kuna dartay hawada.

Dadweynaha ku nool magaalada oo wada dan yar ah ayaan dhakhso awoodin in ay saqaf saaraan guryahooda. Qoysas badan ayaan wakhti xaadirkan haysan guryo ay ka galaan dhaxanta iyo roobka, mana muuqato wax gurmada iyo gacan dawlo midna.

Wax dhibaato nafeed ah ma soo gaadhin dadweynaha ku dhaqan magaalada, marka laga reebo bur burka hantida guryaha.

Roobabkan dabaysha wata ayaa ka da,ay degmooyin ka mid ah degaanka Somalida maalintii shalay iyo maanta, kuwaas oo degmooyinka qaarkood waxyeelo gaadhsiiyey.

Magaalada Jijiga guryaha qaarkood waxaa gaadhay khasaare fudud, waxaana laga jaray dhamaan magaalada Laydhka, iyada oo laga cabsi qabo in dabayshu ay dhulka dhigto tiirarka laydhka, kuwaas oo keeni kara dhimasho dad hadii xadhkaha korontadu biyaha dhulka yaal taabtaan.

rasaasa.com