Qabridahare oo Biyaha iyo Korontaduba Cidhiidhi Yihiin

 

Qabridahare, Feb 9, 2012, [ras] – Wararka aan ka helayno magaalda Qabridahare ee xarunta gabalka Qoraxeey, ayaa sheegaya in magaalada ay ka  jiraan cidhiidh dhinaca biyaha iyo korontada ah.

Xaafaha magaalada Qabridahare ayaa xiliyo isweydaarsan loo sii daayaa biyaha iyo korontada, mana cada sababta keentay in kolba xaafad loo sii daayo biyaha iyo korontada.

Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in ay jiraan shidaal yari, kuwa kale ayaa sheegaya in matoorada korontada iyo biyaha soo saara ay awoodoodu yartahay. Arintaas oo keentay in loo qayb qaybiyo xaafadaha magaalada  biyaha iy korontada.

Maamulka magaalda Qabridahare ayaan wax war ka soo saarin sababta ay magaalada uga jirto biyo la,aan iyo koronto la,aan iyo waliba sida wax looga qabanayo arintan.

Qabridahare waxay ka mid tahay afarta maamul magaalo ee leh miisaaniyad gaar ah, la amrayna dadajinta horumarintooda si ay u noqdaan kuwa leh muuqaal magaalo.

Magaalada Qabridahar waxaa ku yaal xafiiska maamulka ee UN-ta iyo garoonka diyaaradaha ee ugu weyn gabalada durugsan ee degaanka Somalida Ethiopia.

Biyaha iyo koronto la,aanta ka jirta magaalada Qabridahar kaliya ma saamaynayso nolosha dadweynaha degaan, laakiin waxay saamaynaysaa ganacsiga iyo safarda ajnabiga ah.

rasaasa.co