Qaar ka Mid ah Saraakiishii Hore ee Somaliya, Haatan Jooga Maraykanka oo Halgaad ku Haya Halganka Ummada Somalida Ogadeeniya.

 

Saraakiishan oo shaqaale u ahaa Somaliya muddo badan, diidayna in ay waayo aragnimadooda uga faa,iideeyaan ciidamadii curdanka ahaa ee ay la hayd Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadeeniya [Jwxo] 1991, ayaa waxaa ay halganka ugu soo dukaasheen markay dibadaha yimaadeen Jwxo-shiil.

Hadaba, qormadan maanta waxaan waxyar ku falanqayn doonaa qaar ka mida kooxdan NORTH AMERICA looga yaqaano CAWRO QAAWAN, meelaha kalana Looggaga yeedho KHAATUMO-XUN kooxdan oo u xuubsiibtey ASHAHAADO LADIRIRNIMO. Magacyadooda sheegimeyno hada laakiin waxaa la yiri DOQONTA USHA AGTEEDA KU DHUFO HADEY GARANWEYDANA GOGEEDA KUDHUFO, Jaanis ayaan siineynaa bal iney is gartaan walow aan garaad fiican looga baran.

kooxdan oo ah jawaasiistii soo curyaamiyey halgamadii kala duwanaa ee shacabka soomaalida ogaadeenya, kana qayb galay dagaaladii ahliga ahaa ee Jubooyinka kuwaas oo beesha u horseeday dhibaatooyin illaa hada laga soo waaqsan la’yahey.

KOOXDAN CAWRO oo iyadu  wax ka maqasha [DHUUNTA]  oo kaliya ayaa waxey caan ka noqdeen bulshada soomaalida ogaadeenya, tusaale ahaan dhamaantood waa dad lagu lahayo [CARE HOME], arintan waxaa laga yaabaa dad badani ineyna fahmin aan iftiimino, waxaa wadankan MARAYKANKA IYO WADAMADA REER GALBEEDKA KA JIRA PROGRAM LAYIRAAHDO CARE HOME waxaana loogu talo galey in lagu caawiyo dadka waaweyn iyo kuwa xanuunsan ee aan waxba qabsan karin, dadkani waa iney dhakhaatiir arkaan si looga go aan gaaro in caawimada loo ogolaado iyo in kale, qofku waa in uu dhaqtarka u tusaa in uusan wax qabsan karin, musqusha gali karin, wax karsan karin, guriga soo garan karin, mararka qaarkood uusan dadka kala garankarin.

Hadaan intaa kaga gudbo sharaxaada, Kooxdan CAWRO dhibaa haysta waayo mararka qaar ayaa waxaa suuqaqa yimaada laanta dabagalka dambiyada ee baadha bal dadkani sheeganaya ineynan wax qabsan karin iney run sheegayaan iyo in kale, kooxdan ayaa markey dad cadaana ah [WHITE PEOPLE] ku arkaan meelaha ayey kala dhuuntaan oo ay ku odhanayaan garabka i qabo ama ku qabsanayaan, dad badani arintan kuma baraarugsana ee hadad aragto qof garabka i qabo kuleh si dagdag ah u caawi ama ha la yaabin haduu ku qabsado.
Marka waxaa iswaydiin leh ma MARAYKANBAA ruux cadaana [WHITE PERSON] laga waayi?. waa maya; kooxdani saad ku garataan waa niman isku sheega iney odayaal yihiin oo iyagu raba iney labada dhinacba midna, loose garayn, marka ma is dabooli kartaa qisadii hore ee aan soo sheegney iyo tan danbe oo ubaahan qof miyirkiisu dhanyahey oo sidii lagu yiqiiney gadhcastii hore xaqa sheega oo ka fogaada waxyaalaha xumaha u soo jiidaya shaqsiyadiisa iyo ta bulshada uu odayga u yahayba.

Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa HAL BOOLI AHI NIRIG XALAALA MA DHASHO; qofku waa xanuunsankaraa oo dhibaato waa gaari kartaa waana sababta programyadan aan soo sheegnay loo sameeyey si loo caawiyo, laakiin qofku isaga oo ordaya, dadka ugu hadal iyo dhibaato badan, suuqaqa ordaya, xaafadaha laga joogi la’yahay oo lacago guraya aan meela loo wadin, in uu hadana waa la yaabe yiraahdo oo wax maqabsan karo sow khaa,inimo maaha oo dowladii soo dhawaysay  ee wax walba u diyaarisey muu khayaanin, intee in la’eg ayaa la aamini karaa qofka beenta intaa le’eg sheegaya ee aan hadana xishooneyn.

Kooxdan aduun iyo aakhiraba ku khasaarey ee KHAATUMO-XUN ee jaajuusnimada, khayaanada iyo isku dirka bulshada ka shaqaynaya ee iyaga oo cimrigana baalasha ay ku duulaan u ah GARAABO iyo inta cawrada qaawan ku ah halganka soomaalida Ogaadeeniya oo go’aansadey iney burburiyaan halganka hadey u suurtagasho ilaahey idankii umaba suurto galidoontee.

Waxaan soo xasuustay gabaygii macalin DHOODAAN  uu tiriyey markuu arkey kuwo meel ka dhac ku sameynayey halgankii soomaalida ogaadeeniya, wuxuuna yidhi “ODEY BOXOSHA BALABAADKA IYO BAANDA JAAHILA, NACAS BUUNSHO LEEFIYO HANGOOL AY BARJAHA SIISO [YACNII GARAABO] OO BALANBAL REERAHA BADOO BA’AN MAWAAYAANE”.

Waxaan leenahey wali waxbaan xeerineynaa oo ma rabno in aan magacyadiina soo qorno ee HALGANKA XAQA AH SOO RAACA OO SIDII ODEY LAGU YAQAANEY DADKA DHEXDHEXAAD U NOQDA OO GARTA U NAQA SIDA SAXDA AH OO DHUUNI RAAC HA NOQONINA, HADII KALE AAYAR GURYIHIINA ISKA JOOGA HA LAYDINHAYEE AMA MEELAHA ORDA MARKAAD RUUX CADAANA ARAGTAAN.

Halganka ay wado Jwxo, ma joojin karo dambiile danayste ah oo sugay doorshada Itobiya 2010 iyo saraakiishii Somalia ee dibadaha ku caajisay, waxaanu idin leenahay soo raaca halganka xaqa ah ee uu hormuudka ka yahay Engineer Salahudin Cabdiraxmaan.

Arimaha Bulshada
rasaas.com