Puntland: Gaagaab oo ka Gaabsaday tartankii Doorashada Puntland

 

GaagaabMaxamed Cabdi Yusuf Gaagaab oo ka mid ahaa musharixiinta u tartamaya doorashada Puntland ka dhacaysa January 8, 2014 ayaa ka tanaasulay tartankaasi.

Mr. Gaagaab ayaa sheegay in uu u tanaasulay wiil uu adeer u yahay oo ku jira tartanka doorashada sida uu sheegaye.

Mr. Gaagaab oo hore u noqday wasiirka arimaha gudaha ee Puntland xiligii uu Cade Muuse madxwaynaha ka ahaa maamulka. Waxaa Mr. Gaagaab aad loogu xasuustaa dhacdadii Atoobiya loogu gacan galiyey labo xubnood oo ka tirsanaan jiray golaha dhexe ee ururka ONLF, sanadkii 2008. Tanaasulkiisa ayaa loo badainayaa in ay lug ku leedahay dhacdaddii 2008 iyo lugtii uu ku lahaa Gaagaab. Arintaas oo aad uga cadhaysiisay shacab waynaha Puntland.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka talaabsada taariikhda iyo dhaqanka ummada Soomaaliyeed, ayaa goor ay noqotaba ay abaal marin doontaa taariikhdu. Cabdulahi Maxamed Ducaale oo hore u aahaan jiray arimaha dibada ee maamulka Somaliland, ayaa sanadkii 2004, waxaa uu ideecadaha ka sheegay in ay qabqabanayaan xubnaha iyo taageerayaasha ururka ONLF, isaga oo xiligaas uu dhiibay Atoobiya 35 ruux oo shacab ah.