Philoso, Cabdulahi Macalin Axmed Cismaan [Dhoodaan] oo Heer Qaran Lagu Aasay

 

jigjiga1Waxaa galabta oo bisha April 28, 2013 Aroos aas qaran ah loogu sameeyey Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee magaalada Jijiga.

Aas noocan ah, waa kii abid ka dhaca degaanka Somalida Itobiya, loona sameeyo qof ka qayb qaatay taariikhda degaanka. Waxayna arintani abuurtay, in ay kalsooni galiso dad badan oo taariikh ku leh degaanka, balse dibad joog ah. Dadkaas oo aan hubo in maanta wixii ka dambeeya ay ku hamiyayaan waxtarka dalka iyo dadkooda, si ay u helaan abaal gud.

 

Aaska Macalin Dhoodaan waxaa ka soo qayb galay dhamaan dadwaynaha degaamka Somalida masuul iyo shacab. Waxaa kale oo ka soo qayb galay masuuliyiin, qalinley iyo aqoonyahano Somaliyeed oo ka kala yimid dhamaan geeska Afrika.

 

Shacabka Degaanka waxaa horkacayey Madaxwaynha degaanka Somalida Cabdi Maxmuud Cumar iyo Wasiirka Shaqada iyo arimaha bulshada dawlada federalka Cabdifatax Sheekh Cabdulahi.

Dalka Jabuuti waxaa ka yimid wafti hogaaminayey Professor Maxmed Daahir Afrax. Kenya waxaa ka yimid wafti uu Hogaaminayo Axmed Faarax Cali [Idaajaa]. Somaliland waxaa ka yimid wafti balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta iyo abwaaniin muhiim ah oo ka mid yahay Hadraawi, Cabdi Qays, Shaacir, Dacar iyo Maxamuud Xasan Ganey.