Oo heleele heleelee, Jacaylkaygii Rumaadoow, Yaa Godeey Kula Joogoo/Canab Indha-deeq iyo Cali Dhaanto

 

Suugaantu waxay ka mid tahay astaamaha lagu baadi soco Hidaha iyo dhaqanka ay umadi leedahay, kuwaas oo la,aantood ayna ummadi wax  qiimo ah lahaanaynin.  Ururinta dhaxalka Suugaanta Somalida Itobiya iyo dadka dhaqaba waa waajib.

Dhaqanka ay ummadi leedahay, shayga ugu horeeyaa waa afka [language], hodanimada afkana waxaa saldhig u ah sugaanta. Hiduhu waa waxa ay ummad, qolo, qoys ama ruux ka dhaxlaan isirkood, iyada oo aan la eegin inta uu jiro isirkaasi.

Degaanka Somalida Itobiya oo ka mid ah degaanada Somalida, ayaa waxaa uu hodan ku yahay suugaanta, dhaqanka iyo hidaha ma guuraanka ah.

Nasiib daro hidaha iyo dhaqanka degaanka Somalida Itobiya waligii ma uusan helin daryeel iyo ilaalin ku munaasab ah, isaga dhawrid la,aanta la qaba dhibaatooyinka kale ee haysta degaanka Somalida.

Suugaanta Somalidu waxay mudatay baylah badan oo xafidaad la,aan ah, arintaas oo keentay in ay tasowdo oo ay qaataan degaanada kale ee Somalidu.

Waxaan ku amaanayaa, kuna boorinayaa masuuliyiinta dawlada degaanka Somalida Itobiya talaabooyinka wax tarka u leh Suugaanta ee ay samaynayaan.

Waxaan ku boorin lahaa in ay abuurto hayda madax banaan oo la yidhaahdo fanka iyo suugaanta Somalida Itobiya, si loo raad qaado loona uruuriyo suugaanta.

Waxaan aad u jeclaystay, kuna amaanayaa masuuliyiinta dawlada degaanka Somalida Itobiya, uruurinta iyo midaynta fanaaniinta u dhalatay degaanka ee filiqsan.

Dhagasyo
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/dhaanto.mp3]

rasaasa