ONLF: Waxay Beenisay War ka Baxay Ideecada VOA-Somali

 

OgadenJijiga, June 5, 2014 – Ideecada voa, laanta afka Somaliga oo shalay waraysatay, gudoomiyaha gabalka Bakool ee dalka Somaliya Maxamed Cabdi Tool ayaa sheegay “in dagaalkii ka dhacay gabalka Bakool ay ka qayb galeen Gobonimodoonka ONLF.” [mp3player width=100 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/wp-content/uploads/2014/06/Waraysi-Afhayeenka-ONLF.mp3] Dhagayso

Warkaas waxaa beeniyey afhayeenka ONLF oo sheegay “in ayna ka dagaalamin dalka Somaliya.”  Afhayeenku wuxuu yidhi “xabadanadu way ka caagantahay jidhka Somaliga xalaasha ah” sidaas waxaa cod xoogan ku yidhi Cabdiqaadir Hirmooge.

Afhayeenka oo ka jawabayey su,aal ku saabsanayd in ay saldhigyo ku leeyihiin dalka Somaliya ayaa yidhi “saldhigyo iyo xeryo tababar waxaan ku leenahay Ogadenia.”

Su,aal la xidhiidhay in ay hal cadow leeyihiin ONLF iyo Al shabab, waxaa uu yidhi “Al shabab wuxuu kula dagaalamaa Atobiya gudha dalka Somaliya, ONLF-na waxay ka dhex dagaalantaa dalka Ogadenia.

Waraysiga Afhayeenka ururka ONLF, ayaa meesha ka saaray hadal uu warbaahinta ka siidaayey gudoomiyaha gabalka Bakool ee dalka Somaliya Maxamed Cabdi Tool.

Atobiya waxay marar badan isku dayday in ay gobonimodoonka Ogadenia ee dagaalka kula jira ku riixdo in ay xidhiidh leeyihiin ururada xag jirka lagu sheego.  Arintaas oo ay garowsho ku wayday.