ONLF, oo Weerar Kadisa ku Dishay Qaar ka Mida Masuuliyiintii Maamulka Dhagaxbuur.

 

OgadenJijiga, June 23, 2014 – Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gabalka Jarar, ayaa sheegay in saaka uu dagaal khadhaadh ku dhex maray ciidanka ONLF iyo maleeshiyaadka [Arbaabatanaaga] magaalada Dhagaxbuur.

Dagaalku wuxuu ka dhacay meel u dhaxaysa Dhagaxbuur iyo Tuulada Tawlane oo 5km kaliya u jirta magaalada Dhagaxbuur. Warkan waxaa Togwajaale nooga soo diray wariye Cabdirisaaq.

Warku wuxuu sheegay in weerarkan oo kadis ahaa ay ciidamada ONLF ku qaadeen maleeshiyaadka [Arbaabatanaaga], oo ay la socdeen qaar ka mida masuuliyiinta gabalka Dhagaxbuur.

Dagaalka oo sida la sheegay socday hal saac, waxaa lagu dilay hogaankii nabadgaliyada ee magaalada Dhagaxbuur iyo toban [10] ka mida maleeshiyada magaalada oo uu ku jiro horjoogihii maleeshiyada. Waxaa kale oo magaalada Dhagaxbuur la keenay dhaawac badan. Dhinaca ciidanka ONLF, wax khasaare ah lama soo tabin.

Xarunta dhex ee ONLF, waxaa baryahan ka soo baxayey warbixino sheegaya in ciidamadoodu ay qaadeen weeraro badan oo ka dhacay Ogadeniya, kuwaas oo lagu beegsaday fadhiisimada ciidamada gumaysiga Atobiya ku leeyihiin Ogaden.