ONLF iyo Ethiopia oo Heshiis Nabadeed Saxiixay

 

Jijiga, October 22, 2018 – Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya (JWXO) iyo dawlada Itoobiya waxay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Caasmara ee dalka Eriteriya.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac ayaa lagu soo koobay 5 qodob oo khuseeya nabada iyo in ONLF ay ka qayb qaadan karto arimaha siyaasada ee dalka.

Qodobada la saxiixay ayaan la siin saxaafada, marka laga reebo in saxaafada Soomaalida uu afka uga sheegay madaxwaynaha deegaanka Soomaalida oo qayb ka ahaa heshiiska.

October 10, 2010 ayey ahayd markii garab ka mid ahaa ONLF uu heshiis nabadeed sidan oo kale ula saxiixay Itoobiya.

October 21, 2018 ayuu dhacayheshiiskan u dhaxeeya garabkan ONLF oo ah garabkii ugu dambeeyey ee heshiis nabadeed la gala Itoobiya.

Eriteriya ayaa saldhig u ahayd ururada mucaaradka ku ah dawlada Itoobiya, dhawaan ayeyna labada dal gaadheen heshiis nabadeed.

Lama oga in colaada dabada dheeratay ee gabalka Ogadeen, oo qarniyo badan jirtay in ay halkaasi ku soo afjarmi iyo in kale.

Gabalka Ogadeen ayaa saldhiga u ahaa colaada u dhaxaysa Ethiopia iyo Jabhadaha Soomaaliyeed oo in badan halgan qori isudhiib ah waday.

Ethiopia waa dal taariikh dheer leh waxayna ka qabgashay qaybsashadii iyoboobkii Qaarada Afrika ee qarnigii 19aad. Ilaa iyo wakhtigaas waxay wada dhulbalaadhsi waxayna qabsatay dhul balaadhan oo Soomaalidu leedahay. Dhulkaas oo aan wali xal laga gaadhin sidii uu ugu soo noqon lahaa gacanta dadka Soomaalida ah.