Buun baan u afuufayoo Ooday soo wada jabsheen, idilkeed aduunyaday tigidho ka uruursadeen

 

 

 

 

Gabay ay erayadiisa ka mid yihiin tududcyada ciwaanka kore oo loo tiriyey Jwxo-shiil, ayaa waxaa na soo gaadhsiiyey mid ka mid ah macaamiisha akhrisata bogga rasaasa.com, tixdaas oo aan filayo in ay ku jiraan arimo badan oo dhab.

Adeer Iilku kugu dhawaaa wakhtigu kugu Aadana
Islaamkaad alamsatiyo xumaantaad oodataa
Irida kugu aadanoo Ilahay amar ka sugi

Maxaad reer ehel tirtoo ilmadu obohlaysayoo
adimada kor u aadiyoo gargaar Eebahay warsaday
ahh iyo ciil wada qaboo amaah badan kugu lehoo
Awaare in ay ku dhigi idilkood tashi ugu egg yahay

Aqoon xume Jwxo-shiil, haweenkaad galoofisee
gambada cad u wada xidhee saygii gurigooda jiray
aadunka ka gaysaybaa abley kula gaadayoo
Aduunkood joogta iyo ogow niceb aragtidaa

Agoontaad oomiseed adoogood oofsataa
adhxaha kaa laadayoo aduun aan kuu ogayn
In ay ku arooriyaan eebada kula eegayoo
Aduunkood joogtid iyo ogow neceb aragtidaa

Aqoon xume Jwxo-shiil, afeeftaydii horaa
ahayd way noo ahaan aduun ninba waa ayaan
Aw xaad iyo cali Cabdaa xabsiga ka ag ooyayoo
uubtii aad galisaybay intaa kaa eegayaan

Aqoon xume Jwxo-shiil, hablihi aad edabta iyo
Asluubta ka bi,isayee argeegtii lagu xidhiyo
Idhankii ka goysayee intaad tidhi waan ilbixin
nixigi ka uruurisaa ogow neceb aragtidaa

Aamusnaantaaday dadkuna Islaamino moodayeen
Haday saa kuu ogyiin agtaada ma joogsadeen
albaabaday xidhan lahayd Ajaafyahow uunta xumi
Aad baad u ogsoontahoo waxaad tahay ehelu naar

Ayaantaa ugu jeclaa Tv-ga aduunyadiyo arliga laga
daawadaad indhaha aw kala rogtee Su,aashii aga
martee wariyuhu kaa oohiyee idilka Somaliyeed  aad
bay kuu aragtayoo malaga laga ooyo iyo Isaariil in
aad tahood galaafatay Aabayaal agoon ubadkoodi yahay.

Idilkeed eheladaa dhaxsin baa u adeegstoo
Albaabbaad dahab ah iyo Aduun ka abuuratoo
Iyagoon waxba kaa ogayn adiga kuu adeegayee
Adoonta ka yeelataa ogow neceb aragtidaa.

Osonow eheladaa buun baan u afuufayoo Ooday soo
wada jabsheen dhamaanteed aduunyaday tigidho ka
uruursadeen Ufuuf bay kugu dhaheen Addis waa kay
tageen Ehelu khayr bay noqdeen dalkay u adeegayaan.

Aqoon xumbe Jwxo-shiil, afaafyada faafaneed,
jarar iyo arad nogbeed Iliyo hawd iyo banaan idhanka
aydiyo dalaad iridadda wabi shabeel intaa umadaa
dagtaa ardiga kaa eegayoo nac iyo utun kuu
hayoo iloobayn abtid ayaan ahdiyo xumahaad badee.

 

Cali Xasan [dhaadad yare]

rasaasa.com