Ogeysiis:Shir Wayn oo ka Dhicidoona London, Dhabahana ay u Xaadhay Jaaliyada Somali Galbeed

 

Waxaa dhamaan dadweynaha Somalida Ogadeeniya ama Somaligalbeed qofba sida uu jecel yahay ha u dhahee, ee taageersan ama aad taageersanayn nabada, horumarinta  iyo heshiiska ay Somali Galbeed la galashay dawladda Itobiya. Waxaana lagu wargalinayaa in ay ka soo qayb galaan  shir wayn oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Somali Galbeed ee wadanka Ingriiska.

Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayna faraha ku hayaan  farsamadiisa aqoonyahano aad ugu xeel dheer agaasing hanaanka shirarka, ayaad u qashuuci doontaan.

Waxaanan laggaga hadli doonaa arimo badan oo tabayaan dadweynaha ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya iyo xaalada dhabta ee siyaasadeed ee xiligan la gudboon dadwenaha iyo aqoonyahanka Arladaas u dhashay.

Waxaa shirka ka hadlidoona saraakiil ka tirsan Jabhada Somali Galbeed oo haantan noqday xisbi siyaasi ah, lana filayo in ay wax weyn ka badalidoonto nidaamkii hore lagu dhaqi jiray dhulka Somali Galbeed.

Hadaba, dadweynow waxaa la idin farayaa in aan la idiinka sheekaynin shirka taaban doona wax aad tabayseen sanooyinkii tagay oo maanta aad moodo in ay taabayso JXSG oo iyadu ku guumaysowday siyaasada geeska Afrika.

Taw dheh oo la tag  shirka wax alaale wixii aad tabayso, taasbsiina dadka aad tuhmayso in ay taladaada u baahan yihiin.

Faahfaahinta fadlan ka dhawra tabeelaha

rasaas.com