Ogeysiis

 

Waxaa warqad Ogeysiis ah na soo gaadhsiiyey, guddiga Qaban qaabada ee shirka reer Ugaas Warfaa, shirka oo lagu qaban doono Magaalada London ee dalka Ingriiska dhamaadka bisha October 2009. warqada Ogeysiiska ayaa sidan u qoran. 

Ka: Gudida Danaha Dad Weynaha Reer Ugaas Warfaa Ugaas Xirsi [WAPAC] London UK.

Og: Gudida Dhexe Reer Ugaas Warfaa Ugaas Xirsi London UK.

Ujeedo: Shir waynaha Beeshu leedahay oo la qabanhayo.

Gudida “WAPAC” –Waa “WARFA PUPLIC AFFAIRS COMMITTEE” ee Ogaden oo qaban qaabineysa shir waynaha beesha magaceeda kor kuxusan ,loo idmaday oo lagu qaban hayo magalada LONDON,UK sida hoos ku qoran :-

Waxaa Beesha reer Ugaas Warfaa Ugaas Xirsi ee Ogaden Qaybaheeda ku kala baahsan aduun weynaha lagu wargalinhayaa qoraalkan in martiqaad sharaf la siiyay oo ay u soo dir sadaan wufuud marti sharaf oo uga qayb gasha shir waynahan LONDON UK. 24 – 25 ee bisha OCTOBER 2009.

Sidaas daraadeed waxaa dadwaynah beesha qaybaheeda ku kala baahsan aduun waynaha lagu wargalinhayaa in aqoonyahankooda,Indheergaradkooda,culima udiinkooda,siyaasiintooda,ganacsatadooda,dhalinyaradooda,waayeelkooda,rag iyo dumarba in ay ka soo qaybgalaan shirkan qiimaha iyo qaayaha leh ee dantooda oo kaliya lagaga hadli doono.

Shirka waxaa lagu marti qaaday dad ka kala imandoona 26 wadan oo ah:-America,Canada,Europe,Africa iyo Middle East.

Digniin;-Shirku ma `aha mid cid wax loogu dhimaayo ama wax yeelaynahayo waana mid siyaasad ka madaxbanaan

CINWAANKA SHIRKA.

Goobta: Karahi Palace

8 Cavendish Parade

Hounslow West

TW4 7DJ

LONDON, UK

GADIIDKA:

Gaadiidka aad soo raaci karto:- BUSASKA.H32,H91,H28,222,81,482.

ama treenka waxaad kaga dagi kartaa Hounslow west train station(goobtuna waa ka soo horjeedka stationka)

GOORTA: 24 – 25 [Sabti iyo Axada] Bisha October 2009.

WAKHTIGA: 12:00[duhurnimo] -22:00pm.

Wixii Intaas ka sii faahfaahsan fadlan kala soo xidhiidh telefoonadan hoos ku qoran:

TEL. :07985339843

: 07870747909

: 07908264476

MAHADSANIDIIN.