Ogeysiis: Waxaa la Ogaysiinayaa Dadweynaha Somalida Ogadeeniya in la Furay, Qol Paltalk ah

 

Waxaa la Ogeysiinayaa dhamaan dadweynaha Somalida Ogadeeniya in dhawaan la furay Qol paltalk ah oo lagu magacaabo Qolka Ogadenia Rasaasa.com Hoyga wararka Dhabta ah. Qolkaas oo loogu talo galay in uu ka qayb qaato wacyigalinta, wadan jacaylka iyo dib u soo celinta nolosha dadweynaha ku nool dhulka Somalida Ogadeeniya.

Alada Internetka gaar ahaan bogga la yidhaahdo Paltalk, ayaa ah bogg aad u xoog badan oo si xor ah u baxa. Paltalk ayaa leh faa,iidooyin badan siyaabo badan oo kala duwan loo adeegsadaa sida; waxbarashada, siyaasada iyo maaweelada.

Qolka Ogadenia rasaasa.com waxaa daadaheeya dhalinyaro aqoon leh, oo iskood isu xilqaamay jeclaadayna in ay dadweynaha ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya meel walba oo ay joogaan gaadhsiiyaan xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka.

Waxaa qolka laggaga hadlayaa kobta ay marayso siyaasada dalku, ka dib kolkii ay ururada ONLF iyo UWSLF, oo iyagu hore dagaalo uga waday Dhulka Somalida Ogadeeniya ay hada badaleen siyaasadoodii ahayd dagaalka, ururka UWSLF-na ay nabad saxiixday dawlada Itobiya ururka ONLF-na ay ku jiro wadahadal nabadeed oo u dhaxeeya dawlada.

Dhinaca kale waxaa si xor ah qolka looggaga hadli waxqabadka ay samaysay ama ay wado dawlada Degaanka Somalidu iyada oo kaashanaysa dawlada dhexe. Arimaha sida gaarka ah looga hadli waxaa ka mid ah; nolosha guud ee dadweynaha, waxbarashada, dhaqaalaha, Caafimaadka, Isgaadhiisnta, Ganacsigga, Beeraha, Horumarinta Xoolaha Degaanka, Dhiiri galinta dhaqanka Degaanka, Taariikhda degaanka, Nabada iyo waajibnimadeeda, Horumarinta guud, Dimoqraatiyada iyo Nidaamka dawlad wanaaga.

Hadii aad xiisaynayso in aad dhagaysato ama aad ka qayb qaadato doodahaas waxaad gashaa Paltalka-Afrika-Somali.

rasaas.com