Ogeysiis: Shaqo ka Banaan Rasaasa News

 

rasaasJijiga, May 7, 2014 – Waxaa la ogaysiinayaa cidii xiisaynaysa in mareegta RasaasaNews, ay hayso shaqooyin la xidhiidha warbaahin. Mareegta oo balaadhin iyo dib u habayn lagu samaynayo, waxay qaadan doonta dhawr ruux oo shaqaale ka noqda warbaahinta.

Shaqaalaha loo baahan yahay waa shan [4] wariye oo ka hawlgala dhulka Somalida. Meelaha looga baahan yahay in ay ka hawlgalaan waxay kala yihiin;

1. Magaalada Dir-dhaba Atoobiya ……………….  1 wariye,
2. Gaalkacyo Puntland ………………………………….  1 wariye,
3. Togwajaale Somaliland ………………………..     1 wariye,
4. Baladwayne Somalia ……………………………      1 wariye

Cidii doonaysa in ay qaadato shaqadan waxaa looga baahan yahay in ay buuxiso shuruudahan:

1. Waa in uu qori karo akhrina karo af Somaliga.
2. Waa in uu si wanaagsan qoraal kaga sheekayn karo dhacdo uu la kulmay.
3. Waa in uu Komputarka si wanaagsan u yaqaan, isticmaali karo Facebook iyo Youtube.
4. Waa in uu qoraal ku soo codsadaa shaqada.

Cida ku guulaysata jagadan, mushaarka ay qaadanayso waa lagala xaajoon, iyada oo la tixgalinayo waayo aragnimada iyo xirfadooda tikinoolojiyada.

Waxaad codsiga ku soo hagaajin kartaa Maxamed Cabdi:  contact@rasaasa.com