Ogaysiis ku Socda Dadweynaha Somalida Ogadeeniya

 

Waxaa laga soo dayn doonaa TV UNIVERSAL, barnaamij tacsi ah oo loo samyeeyey Dr. Mohamed Sirad Dolal

Waxaa dadweynaha Somalida Ogadeeniya la Ogaysiinayaa in TV Universal uu sii dayn doono Barnaamij Tacsi ah oo hore loogu Sameeyey Dr. Maxamed Siraad Dolal, oo lagu dilay Ogadeeniya bishii January 17, 2009. Dr. Dolal, ayaan war laga haynin cida dishay, laakiin muddo dhawr goor ah, intii aan la dilin ka hore ayuu Ideecadaha ka sheegay dadka dilaya.

Hadaba, Barnaamijkan oo ku celis ah ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili ay soo gabogabowday Baadhitaan dheer oo ay wadeen guddi loo saaray in ay soo baadho arimaha ku saabsan cidii ka dambaysay dilkii Dr. Maxamed Siraad Dolal. Waxayna guddigu soo gabo gabeeyeen badhaatitaankii iyaga oo soo saaray go,aan.

Waxaana dadweynaha Somalida Ogadeeniya la Ogaysiinayaa in ay ka daawadaan karaan Caawa UNIVERSAL, Saacadu marka ay atahay 7:00PM warka ka dib ama 8:00PM saacada Europe warka ka dib.

arimaha Bulshada
rasaas.com