Ogaysiis: Jaaliyada Somaalida Ethiopia ee SanDiego oo Qabanaysa Shir Wayn

 

Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan Jaaliyada dawlada degaanka Somalida Ethiopia, ee gabalka SanDiego iyo gabalada la dariska ahba, in ay ka soo qayb galaan shir aad u weyn oo xiisa badan.

Shirkan oo lagu marti galinayo wafti ka socda Jaaliyada Somalida Ethiopia ee ku nool dal weynaha Ingriiska.
Shirka waxaa warbixino ka dhiibi doona xubnaha ka socda Jaaliyada dalka Ingriiska iyo masuuliyiinta Jaaliyada gabalka SanDiego.
Waxaan iyaguna meesha ka maqnaan dooni waxgaradka u dhashay degaanka Somalida Ethiopia.

Xubnaha wafdiga waxaa ka mid ah, Engineer Abdiraxmaan Mohamed Ahmed [Indha-gaale], oo caan ka ah degaanka Somalida Ethiopia, in badana ka soo shaqeeyey sidii ay nabadi uga dhici lahayd degaanka Somalida Ethiopia.
Ujeedooyinka shirka waxaa ka mid ah:

1. In uu abuuro hanaan wada tashi iyo isku duubni Jaaliyada Somalida Ethiopia
2. In laga wada tashado hirgalinta nabada iyo hormarinta deegaanka Somalida Ethiopia

 

 

 

Shirku wuxuu dhacayaa: July 18, 2011
Kolka ay Amintu tahay:  16:00 -19:00

Meesha uu ka dhacayo:

East African Cultural Center
4161 Fairmount Ave
SanDiego, CA 92105

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh;

Abdirizak Dahir Budul: (619) 646-5731
Abdirashid Bile (619) 519-6974
Abdirahman Sirad (858) 345-7905
Mahamed Ibrahim caydiid (619) 502-1000
Suldan Fatxi Sirad Ibrahim (619) 313 7200

rasaasa.com