Guurti: Kulan Aad u Balaadhan oo ka Dhacay Nairobi

 

Wafti balaadhan oo isugu jira culimaa,uudiin iyo ganacsato, kuwaas oo ka qayb galay xafladii saxiixa heshiiskii dhexmaray ururka UWSLF iyo Dawlada Itobiya, oo dib ugu soo laabtay Nairobi ayaa shalay shir balaadhan ku qabtay halkaas.

Shirkaas oo ay ka soo qayb galeen dad ka badan 300 oo ruux ayaa waxaa ka hadlay guurtidii ka qayb gashay heshiiska saxiixa ee ka dhacay Addis Ababa.

Guurtida ayaa u faahfaahiyey dadweynaha xaalada dhabta ah ee ka jirta dhulka Somalida Ogadeeniya. Waxayna sheegeen in wanaag badan iyo xumaanba ay jirto sida ka jirta dal walba oo aduunka ah.

Waxay aad masuuliyiintu ugu sharxeen dadkii ka soo qayb galay kulanka oo dhamaantood u dhashay dhulkaasi degana dalka Kenya, in dalku uusan ahayn sida wax looga sheego balse uu dhinacyo badan kaga wanaagsan yahay arimaha ka jira waqooyi bare ee Kenya, halkaas oo ay degan yihiin dad Somalia ah.

Halkan ka Dhagayso Warbixinta BBC[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/culimoiyoganacsato.mp3]
qayabta 2aad
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/waraysiculimo.mp3]

rasaas.com