Ogaden iyo Oromo: oo Heshiis Hordhac ah Gaadhay

 

Oromo-OgadenMenneapolisONLF iyo OLF, oo gaadhay heshiis taariikhi ah oo  iskaashi, kaas oo ay ku xoojinayaan xidhiidhkooda iyo halganka gobonimo doonka ee ay ku jiraan labadan Jabhadood.

Maxay yihiin ONLF iyo OLF?

Jabhada ONLF [Ogaden national liberation front], waxaa la aas aasay sanadkii 1984. Hadafkeeduna waa in Ogadenia ay gobonimo hesho [Somali]. Halganka ay Ogadenia ku doonayso in ay gobonimo kaga qaadato Atoobiya wuxuu socdaa 54 sano oo xidhiidh ah.

Jabhada OLF [Oromo liberation front], waxaa la aas aasay sanadkii 1973. Hadafkeeduna waa in Oromo ay gobonimo ka hesho Abbassinia [Tigray iyo Xabashi]. ONLF iyo OLF, waa hal qolo oo ka mid ah labada qaybood ee Atoobiya loo qaybiyo oo ah [Coshetics iyo Hamatics].

Shacabka Oromada iyo Somalidu, waxay wadaagaan xad dheer, darisnimo, iyo dhaqan.

Hadaba muxuu yahay, heshiiskani maxaana sababay xiligan?

Halganka hubaysan ee ay wado Jabahada ONLF, wuxuu gaadhay heer caalami ah sanadihii 2004/2010, xiligaas oo halganka Ogaden gaadhay heer uuna caalamku inkiri karin dhibaatada jirta. Meel kale daayoo, waxaa si aan qarsoodi lahayn todobaad walba wargaysada ka soo baxa Addis Ababa u daabici jireen qormo ku saabsan arimaha ONLF iyo Ogadenia.

Sanooyinkii ugu dambeeyey waxaa muuqatay in siyaasad xumo iyo khilaaf, saameeyey ONLF uu meesha ka saaray hadafkii guud ee halganka Ogadenia. Waxaa arintaas ka faa,iidaystay Atoobiya oo qaaday talaabooyin lagu kala fogaynayo shacabka Somalida Ogadeeniya.

Ugu dambayna waxaa hakad galay higsigii gobonimo doonka iyo ligligashadii gumaysiga Atoobiya. Taas oo ka mid aha dhibaatooyinka mararka qaar la soo darsa ururada gobonimodoonka ah.

Jabhada OLF, waxay ka mid ahayd Jabhadihii diiday in ay wada shaqayn la yeeshaan EPRDF, sida ONLF. Waxay noqotay Jabhada dibad wareeg ah oo aan helin taageeradii shacabka Oromada, madaama ay qaybsantay qoomiyada Oromo. OPDO, waa Oromo waxayna ka mid tahay dalada EPRDF. Midaasi waxay ku keentay jabhada OLF, in ay hore u dhaqaaqi waydo.

Jabhada OLF, waxay mudo badan u qaybsanayd qaybo yar yar oo khilaaf dhexyaalo.

Saraakiisha ONLF iyo OLF, ee ku sugan dalalka darisku waxay noqdeen kuwa la ugaadhsado oo laga soo afduubo meelo badan oo bariga Afrika ah, marka laga reebo Eritrea.

ONLF, OLF iyo ururo kale oo Atoobiya ah, ayaa sanadkii 2005 heshii ku saxiixay Amesterdam, the Netherlands. Heshiiskaas waxaa ka horyimid siyaasiyiin ka soo kala jeeda ONLF iyo OLF. Heshiiskaas waxaa si gaar ah u liiday siyaasiyiin ONLF ah, kuwaas oo ku dooday in ONLF ayna xukun doon ahayn laakiin xoriyad doon tahay, heshiis lala galo mucaarad Atoobiyan uusan dan u ahayn halganka Ogadenia.

Heshiiskaas iyo kuwa kale oo ka dambeeyey midna ma socon, sabab ugu wacanba.

Heshiiska hordhaca ah ee ay wada haadheen ONLF iyo OLF, waa heshiiskii ugu horeeyey ee noociisa ah oo ay wada galaan labada Jabhadood, waxaana markiiba lagga dareemay Atoobiya.

Heshiiskan waxaa uu la mid yahay heshiiskii ay wada galeen TPLF [Tigray people liberation front] iyo EPLF [Eritrean people liberation front] sanadkii 1981. Kaas oo kolkiiba meesha ka saaray ELF [Eritrean liberation front], oo ka mid ahayd garabyadii gobonimo doonka Eritrea u qaybsanaa.

Heshiiskaasi wuxuu ahaa kii meesha ka saaray taliskii Derge, keenayna in ay Eritrea hesho gobonimo ay sanooyin goobaysay.

Heshiiska hordhaca ah ee ay wada gaadheen ONLF iyo OLF, qodobadiisa waxaa ka mid ah;

  • In la iska kaashado dhinaca ciidanka.
  • In la iska kaashado dhinaca siyaasada.
  • In la iska kaashado dhinaca arimaha bulshada.

Qodobada kale ee aan la faafin waxaa ka mid ah baa la yidhi, in guul dabadeed la sameeyo labo dal oo daris ah oo leh xidhiidh wanaagsan.

Heshiiska ay wada gaadheen ONLF iyo OLF, oo aan wali si dhab ah qalinka loogu duugin, ayaa loo saaray gudi labo dhinac ah oo soo diyaariya qodobada heshiiska, ka hor inta aan la daabicin.

Sababta keentay in xiligan ay labada Jabhadood galaan heshiiskan waxaa lagu macneeyo labo mid uun; awood dari soo food saaratay labada jabhadood oo ay doonayaan in ay isticmaalaan shacabka iyo in ay keentay dareen bislaansho siyaasadeed iyo guul la mid ah guushii ay gaadheen TPLF iyo EPLF.

In kasta oo ONLF, uu gaadhay dhaawac siyaasadeed iyo mid ciidanba, hadana waxaan la halmaami karin in ay jiraan arimo badan oo dhiiri galin siiyey in shacabku taageero ONLF.
Laga bilaabo badhtamihii sanadkii hore [2013], waxaa soo kordhayey taageerada uu helayo ururka ONLF, waxayna dad badan aamineen in ayna jirin wax lagu badalan karo gobonimo ay gaadho Somalida Ogadenia.