Nolosha Dadweynaha Gabalka Nogob ee Degaanka Somalida Ethiopia, oo Aad Looga Dayrinayo

 

Nolol xumo ay sababtay abaar, colaad iyo horumarin la,aan ayaa haysata dadweynaha ku nool degmooyinka, Tuulooyinka iyo xaafadaha uu ka kooban yahay gabalka Nogob ee degaanka Somalida Ethiopia.

Gabalka Nogob waxaa uu ka mid yahay gabalada ugu baaxada weyn degaanka Somalida, waxaana uu ka kooban yahay 8 degmo oo kala ah; Fiiq, Xamaro, Sagag, Garbo, Laga-hido, Mayaa-mulqo, Dhuxun iyo Sallaxaad,  Galaalshe iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada.

Gabalku waxaa uu xad kala leeyahay dhinaca koonfurta gabalka Shabeele, galbeedka iyo waqooyi galbeedna degaanka Oromada iyo dhinaca waqooyina gabalka Jarar.

Degmooyinka iyo tuulooyinka hoosta gabalkan, waxaa ka jira dhibaato nolol xumo oo xad dhaaf ah iyo abaaro, waxaana aad looga dareemi karaa maqnaanshaha gacan dawladeed oo dufan leh.

Arimaha naxdinta leh ee ka jira degaanadka waa nolol xumo baahsan oo aan ku timaami karo dar-xumo, oo ay ugu wacan tahay nolosha xoola dhaqashada ah ee uu gabalku caanka ku yahay, abaaro is xig xigay, colaad iyo horumar la,aan si weyn u saameeyey nolosha dadka iyo xoolahaba.

Intii aan maraynay gabalka ayey indhahanagu qabanayeen dad taag taagan Tuulooyinka qaarkood oo ay ka muuqato macaluul badan, Oon, gaajo iyo arad. Indhanagu ma qabanin wax xoolaha oo manfac laga heli karo, meel raashin lagu Iibinayo ama wax dalag ah wax walibana wuu qalalaa.

Degaanada uu ka kooban yahay gabalka Nogob, kuma yaalaan wax ceelal biyood ah, kuma yaalaan wax iskuulo ah, kuma yaalaan wax rugo caafimaad ah, ma joogo wax shaadh dawladeed qaba. MSF, ayaa waxay ka furtay degmada Fiiq 2007 rug fayadhawr oo ay hayadu bixin jirtay kharajkeeda, nasiib daro Hayda MSF way ka baxday gabalka, kolkii ay dawlada arimo isku qabteen.

Degaankan ayayna haba yaraatee ka jirin jidad uu gaadiidku maro, kuwaas oo kaabi lahaa nolosha dadweynaha gabalka sida; ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, tagida gabalka dadka dibada ku nool ee u dhashay iyo ka warhaynta dawlada.

Gabalka ayeyna ka jirin Isgaadhsiinta oo halbowle u ah nolosha, kamana dhaxeeyo wax xidhiidh ah degmooyinka, tuulooyinka iyo xaafadaha uu ka kooban yahay gabalku.

Qoysaska ay dad ugu maqan yihiin dibada ayaa kolka ay doonayaan in ay la xidhiidhaan , waxay tagaan degmada Baabili oo ku magacaaban degaanka Oromada, balse dadka ugu badan ee degan ay yihiin dadka u dhashay gabalka Nogob. Waana meesha kaliya ee ay xoogaa lacago ah oo xawilaad ah ka soo galaan gabalka.

Dadweynaha ku nool gabalka 80%, waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dad reer Miyi ah oo aan aan awood u lahayn in ay wax ku kordhiyaan nolosha aan isbadalka lahayn ee ka jirta gabalka. 25% waa dad qodaal dhaqato oo ayna noloshoodu deganayn, 5% waxaa lagu sheegaa in ay ku nool yihiin magaalooyinka gabalka. Daraasadan waxaan ka helay qoraalo ay dawladu samaysay dhawr sano ka hor.

Xukuumadihii kala dambeeyey ee Ethiopia, ayeyna indhahoodu qaban gabalka Nogob. In kasta oo ay xukuumada Federalka ah ee haatan ka jirta Ethiopia, ay ka fulisay gabalka mashaariic yar oo aan waxtar wayn lahayn, eegana ay ka wado mashaariic aan wali taabo galin.

Dadka ku nool degmooyinkaas marka aad waydiiso yaa dawlad idiin ah oo aad ku xidhan tihiin, waxay kugu jawaabi Somali iyo Eebe weyne. Arintaas waxay ku tusaysa in ayna dadweynaha gabalka degan, ayna arag wax kalgacal galiya oo ka yimaada dawlahihii dalka soo xukumi jiray.

Dawladnimada ka jirta gabalka Ismaamulka Somalida ee Ethiopia, ayaa waxay ku kooban tahay degaanada soo xiga dhinaca Addis Ababa, in kasta oo uu gabalkani ka mid yahay kuwa ugu xiga dhinaca Addis Ababa. Arintaas micnaheedu ma ah in aan wax ka sheegayo maamulka haatan jira ee waa arin waligeedba ka jirta gabalka.

Baylahda horumarin la,aaneed ee ka jirta degaanada uu ka kooban yahay gabalkani awgeed, waxay keentay in degmooyinkiisu ay hoy u noqdaan ururada nabad-diidka ah ee ka dagaalama degaanka Somalida Ethiopia.

Degaanada Nogbeed ayaadan ku arkaynin silsilada dawladnimo ee ka jirta degaanka Somalida Ethiopia, hadiiba uu wax jirana, waxay ku kooban tahay oo kaliya degmooyinka. Tuulooyinka iyo xaafadaha degaanada Nogob waxay baylaha u yihiin wax walba oo cadow ah sida; gaajada, cudurka, aqoon la,aanta, shuftada iwm.

Kolka aad barbardhigto tuulooyinka gabalka Nogob tuulooyinka ku xeeran Jijiga, waxaad dareemi in tuulooyinka gabaladaasi ay gacanta ugu jiraan ururada mucaaradka ah, kuwaas oo marar badan ku dooda in ay gacanta ku hayaan inta badan degaanka Somalida Ethiopia.

Baylahada ugu badan waxay gabalka kaga timid dhanka dadka u dhashay gabalka ee aqoonta leh ama ku nool qurbaha, kuwaas oo aan marna isku dayin in ay wax la wadaagaan dadweynaha gabalka Nogob.

Degmada Filtu, oo ka tirsan gabalka Liiban, ayaa ka Iskuulo badan gabalka Nogon oo dhan kagana horaysa wax walba. Sida aan ku aragnayna hawlaha nolosha ee ka jira Degmada Filtu waxaa wada dad ku nool qurbaha oo u dhashay degmada.

Qore: xuseen Muxumed
rasaasa.com