Ninwalba Taariikhdaa Xusaysa, Xumow Ina Ismaciil Xaashi Madow Baa Hortaal

 

Shacabka taageersan Halganka xoreynta Ogaadeeniya oo ay hormuudka ka tahay Jabhadda Waddaniga Xoriynta Ogaadeeniya, wuxuusan aad ula soconin shakhsiyaadka sheegata in ay iyagu curiyeen amaba aas aaseen Jabhadda JWXO.

Maanta waxaan rabaa in ay shacabka aad u bartaan qofka magaciisa la yidhaahdo Mohamed Ismail Omar Naxsi (Nacas), dad kalana ay u yaqaanaan Qaaxo. Naxsi wuxuu la mecno yahay  “qof ayaandarro keena, wata; aan khayr iyo wanaag lug ku lahayn”

Qisadda Mohamed Ismail Naxsi waxay ka soo bilaabanaysaa Iskuul Banaadir oo ay wada dhigan jireen Diirane, iyo rag kale oo yidhi yaan magaceena la sheegin. Maadaama ay buundo hoose kaga bexeen Iskuulka, ayaa waxaa loo qaatay Lafoole, oo badanaa la gayn jiray ardayda aan waxbarashadda ku fiicnayn, shaqo qarana aan lagu amini Karin. Mohamed ismail Naxsi meel fiican kama uusan garin waxbarashadda, waana shakhsi ma gudbe ah. In ka badan 10 sanno oo uu wadanka Jarmalka jougay wuxuu ka tagay isaga oo aan waxba uga bilownayn afka jarmalka.

Mohamed Naxsi waxay isla dhasheen alla ha u naxriistee Cali Xaydar oo maamulkii Mohamed Siyaad Bare heer Wakiil Xisbi goboleed ka gaaray, wuxuuna ahaa qof aad ugu guulwadeeya maamulka Mohamed Siyaad Bare.

Cali Xaydar wuxuu ma gudbe Mohamed Naxsi u qalqaaliyay in uu Bulgaariya hal sano ku soo barto Mabda’a Marxism/Leninism si uu u taageero Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Somaliyeed.

Bartamahii 1981 ayuu Mohamed Naxsi ka soo laabtay Bulrgaariya. Wuxuu Cali Xaydar ka shaqeeyay in Mohamed Naxsi loo soo diro Algeria. Cali Xaydar wuxuu arintaasi la hoos galay Sheikh Cabdinaasir oo markaa ahaa Guddoomiyaha Jabhadda Somali Galbeed (WSLF). Siddoo kale waxaa Cali xaydar arintaa garab ku siiyay Dr. Mohamud Sheikh Siraaji, oo xisbiga Kacaanka Somaliyeed wakiil ugu ahaa macadka Lafoole. Mohamed Naxsi karti iyo aqoon uu lahaa kuma imaanin Algeria. Algeria waxaa sii jougay oo wakiilka Xisbiga ku magacawnaa mudane Cumar Sayid Maxbuub. Mudane Maxbuub wuxuu Jabhadda Somali galbeed u furay Xafiis, wuxuuna ahaa xafiiskii ugu horeeyay ee loo furo Jabhadda Somaligalbeed. Mudane Maxbuub wuxuu ku guulaystay in uu xafiiskiisa haybad iyo sumcad balaadhan u sameeyo, illaa markii dambe Xilka Wakiilnimadda loo soo magacaabo Mohamed Naxsi (Nacas). Mudane Maxbuub markuu arkay in garabaysi louga qaaday Wakiilnimadda, xafiiskii uu maal iyo muruqba galiyayna Mohamed Nacas la yidhi ku wareeji, ayuu mudane Maxbuub go’aansaday in uu Paris/France soo aado. Mudane Maxbuub wuxuu xafiiska uga soo tagay qalab iyo buugaag aad qaali u ah, oo uu Moahmed Naxsi (Nacas), marka uu furaha ku wareejinayay ka codsaday in uu France ugu soo diro.

Mudo markay ka soo wareegatay, oo wax Buugaag iyo qalb loo soo wado uusan arag ayuu qaab Qoraal ah mudane Maxbuub, Mohamed Naxsi (Nacas) si naxriis leh uga codsaday in uu u soo diro Buugaagtiisii qiimaha badanaa (Buugaag aan qiimahiisa la goynkarin).

Waxaan haynaa Qoraal uu Mohamed Naxsi u soo qoray mudane Maxbuub, oo uu ugu sheegayo in uu Amaanadii (Buugaagtii u gatay) suuqa gaystay ama uu beeciyay, maadaama ay gaajo ku qabatay Algeria. Halkaa waxaa kaaga muuqanaysa quality-ga in uu ninkan leeyahay. in aysan jirin wax lagu amini karo.

Isagoo ku rafaadsan Algeria waxaa soo gacan qabtay oo Visa uu ku yimaado jarmalka u diray Prof. Cabdirahman Haji Macow (Salaaxudiin aabihii). Markuu Mohamed Naxsi waxaa aad u garab qabtay Salaaxudiiin oo indho iyo afba u ahaa.

Mohamed Naxsi ma aha qof abaal loo galo. Dadka sidda aan caadiga ahayn u garab galay in isaga iyo reerkiisa loo soo qaado Australia waxaa ka mid ahaa Hassan Qoryoolay, Colin Maroni, Dr. Dolal iyo engineer Salaaxudiin.

Isaga oon muddaba joogin Australia ayuu bilabay in uu Jaaliyadda Australia burburiyo. waxay markiiba isku dheceen Guddoomiyaha ogaden Relief Association of Australia Mudane Hassan Qoryoolay. Mudane Qoryoolay wuxuu filayay qof nool in uu u imaanayo, ma uusan filanaynin in shakhsi dhintay loo soo dirayo. Waxaa Hassan Qoryoolay afkiisa laga hayaan in uu yidhi  “Idaa ka haa kadaa nuurukum, fa kayfa dhulaamukum”.

Mohamed Naxsi waxaa kaloo lagu bartay fulaynimo. Marka Jaaliyadda Jarmalka ku mudaaharaadayso safaaradda Itoobiya, Mohamed Naxsi wuu diidi jiray in uu ka soo qayb galo Mudaaharaadka, isagoo ku andacoonaya sawirbay safaaradda iga qaadaysaa. Cabsi iyo wadno weyni wuxuu ka gaaray in uu diido wixii hawl ah ee Jabhadda uga baahato.

Shirkii Garbo oo lagu casumay in uu guddaha galo si uu doorashadda uga qayb galo waa uu diiday. Xiligaa wuxuu ku mar marsiyooday in uu wiilkiisa xanuunsan yahay. Waxaa ka horeysay siddeetamaadkii oo ay Diirane damceen in ay gudaha wada galaan, marka ay dhexda sii socdaan ayuu ka soo dhuuntay, oo la waayay meel uu ka baxay.

Mohmed Naxsi ma aha shakhsi waligii gaaray isku filaansho, mar walbo wuxuu ku nool yahay tuugsi iyo xoolaha laga ururiyo Jaaliyaadka. Agaasimahii hore ee qasnadda dhexe ee JWXO wuxuu hayaa cadeemo sheegaya in uu Mohamed Naxsi ku maqan yihiin dhaqaalo aad u badan oo laga ururiyay Jaaliyaddaha Australia, gaar ahaan Jaaliyadda West Australia. Caddaymaha uu Agaasimaha Qaboweynta JWXO xilli walbo waa loo soo gudbin karaa website-yadda xaqiiqadda qora.

Waxaa yaab leh, qofka quality-gaa leh in uu qoro Qoraal uu wax kaga sheegayo Shahiid Dr. Dolal iyo Engineer Salaaxudiin.

Qoraalka sanad ka hor lagu soo dhejiyay Xaajo, haddana dib loogu soo celiyay, waxaa ku cad in uu Mohamed Ismail Naxsi uu wax ka ogaa shirqoolka lagu dilay Dr. Dolal. Qoraalka meesha ugu dambeysa wuxuu leeyahay “waxaan qoraalka ugu talagalay inaan Jaaliyaadka ku abaabulo..” Jaaliyaadka ma been iyo qurun ayaa lagu abaabulaan, mise run. Mohamed Ismail wuxuu qoraalka ku muujiyay in uu waxba yahay.

Wax alaaliyo wuxuu ninkani qoray waa waxa uu isaga ku sifoobay. Tuugnimo, Khaa’innimo iyo Been aan raad lahayn. Marka uu ku eedaynayo Dr. Dolal iyo Salaaxudin in ay yihiin dad Itoobiya soo dirsatay, hadday ka ahayd in uu Jaaliyadaha ku abaabulo, waxaan u sheegayaa in ay jartaasi ka qaloocatay, kuna fashilmay. Hadaba ugu horeeyo Mohamed ismail Naxsi, waxay nimankan gabi ahaanba ku sifoobeen beenta raad laawaha ah. Intee jeer ayay dheheen Dr. Dolal iyo Salaaxudin ayaa Addis Abiba ka degay. Intee jeer ayay qoreen in mudanayaashaasi ay cadawga kula kulmeen Nairobi, sidda laga dheregsan yahayna waxay noqdeen kuwa been iyo faataa dhug ah.

1. Qaybta labada waxaan kaga hadlaynaa dhibaatadii Mohamed Naxsi uu u gaystay Cabdullahi Mohamed Sadi.

2. Waxaa lagu xijin doonaa Qalabkuu Abdulahi Mukhtaar ka lunsadday Ciidanka qalabka sidda ee Somaliyeed, iyo sidda uu Moorgan arintaa xabsi uga badbaadiyay Mukhtaar.

3. Waxaa ku sii xigi doona Maday siduu ku noqday SNM iyo lacag gaarasay $10,000 USD oo looga soo dhiibay Suriya iyo meesha uu mariyay.

Qoraaga ayaan ka shintirinaynaa qoraalada kan xiga

rasaas.com