“Ninkii Wax Iskuhaya Waa Inoo Garigo,an”! Eng. Salaxudiin, “Dr. Dolal Haduu Wax Isku Hayo in Yar ha Sii Joogo Ogadeeniya” Maadeey

 

Erayadaas waxaa laga hayaa Gudoomiyaha ururka ONLF, Eng. Salaxudin, mar uu waraysi siinayey ideecada BBC-da. Gudoomiyaha oo ka jawaabayey su,aal uu quudhsaday oo uu waydiiyey wariyaha bbc-da, oo ahayd, nabada aad la gashay Itobiya sidee bay u shaqayn soo garab kale oo nabad diidan ma jiraan?

Gudoomiyaha oo ay kalsooni badani ka muuqato ayaa ku jawaabay; wax laba garab la yidhaahdo Cabdi-nuurow saaxiib ma jiraan, ONLF waa mid, nabad bayna qaadatay, Laakiin waxaa jira shakhsiyaad qaswadayaal ah, iyaguna haday wax isku hayaan waa noo gari go,an xarunta Jabhada ONLF.

Erayadaas gudoomiye Salaxudiin, waxay i xusuusiyeen erayo uu ka yidhi ideecada BBC-da Cabdiraxmaan Maadey January 15, 2009, erayadaas oo ahaa “Dr.Dolal haduu awood leeyahay ha sii joogo Ogadeeniya.”

Erayadaas waxay wali dhimbil dab ah ku yihiin qoyska iyo eheladii Dr. M S Dolal. Maadeey ayaa ka mid ah, dadka loo haysto in ay ka dambeeyaan dilkii Dr. Dolal, oo la dilay laba cisho ka dib hadalkii Maadeey. Dadkan loo haysto dilka Dr. Dolal ayaan wali qiran qarsana in ay ka dambeeyeen dilkaas, balse ay suurto gal tahay in maalin maalmaha ka mid ah ay mudan garsoor.

Dr. Dolal, oo ahaa gudoomiyaha ururka ONLF, ayaa dilkiisii ka dib waxaa gudoomiyenimadii ururka ONLF, qabtay Eng. Salaxudin Cabdiraxmaan. Ururka ONLF, ayaa waxaa uu ururka ka caydhiyey xubnihii ka dambeeyey dilka Dr. M S Dolal, xukumayna in maxkamad la saaro xubnahaas.

Ururka ONLF, ayaa waxaa uu heshiis la galay dawlada Itobiya, arintaas oo si aan caadi ahayn ay u soo dhaweeyeen dadweyna Somalida Ogadeeniya.

Godoomiyaha ayaa sheegay in kalfadhiga 3aad ee ONLF, uu ka dhici doono Garigo,an oo ahayd xarunta cwxo. Waxaa kale oo la filayaa in bisha October ee inagu soo galan in uu dhaco saxiixa kama dambaysta ah ee u dhaxeeya dawlada iyo ONLF, sida aan ka soo xiganay bogga internetka ee Jabhada ONLF.

Kooxda Jwxo-shiil, dambiyada ay ka galeen dadweynaha Somalida Ogadeeniya waxaa laga dareemi karaa, sida uu dadweynuhu u soo dhaweeyey nabada dhexmartay ONLF iyo Dawlada.

Waxaad halkan ka dhagaysataa warsiga Maadeey January 15, 2009 iyo Waraysiga Eng. Saladudin Sept 3, 2010.

Maadeey January 15, 2009
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/waraysimadey.mp3]

Eng. Salaxudin September 03, 2010
[mp3player width=200 height=20 config=fmp_jw_widget_config.xml file=http://rasaasa.com/waraysisal.mp3]

rasaas.com