Natayahu: Waan u Kaadinaynaa Weerar Aan ku Qaadno Iran

 

Tel Aviv, Mar 10, 2012 [ras] – R/wasaaraha Israa,iil oo ka hadlayey TV-ga dalkiisa ayaa sheegay inuu u kaadin doono weerar uu doonayey in dalkiisu ku qaado dalka Iran todobaadyada inagu soo socda. Natayahu ayaa sheegay in dalkiisu uuna marna ogolaan doonin in Iran ay horumariso hubka Nugliyeerka.

dawlada Israa,iil, ayaa ku tala galkeedu yahay in ay weerarto warshadaha dalka Iran, hadii ay ogolaan waydo baadhidii lagu samaynayey warshadaha horumarinay Nugliyeerka ee Iran.

Natayahu, ayaa hadalkan sheegay ka dib kolkii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Barrak Obama, ayaa dalka Isaa,iil ka codsaday in ay dulqaadato inu kaadiso weerar ay damacsan tahay in ay ku qaado dalka Iran.

Dalka Iran, ayaa muujinaya in ay ogoshahay in ay soo noqdaan gudigii baadhida hubka wax baabi,iya gudigaas oo ay Iran hore uga caydhisay dalkeeda.

Dalka Israa,iil ayaa isaga laftiguusu haysta hubka wax gumaada, laakiin raali looga yahay in ay samaysato ama ay haysato.

 

rasaasa.com