Muqdisho:Weerar Xalay Lagu Qaaday Madaxtooyada

 

Muqdishu, May 20, 2013 – Xalay saqdii dhexe ayaa madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Villa Somaliya, magaalada Muqdisho.

 

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxtooyada, iyo waliba wax khasaare ah oo ay gaysteen madaafiicda xalay lagu garaacay Villa Somaliya.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan toban madfac xalay lagu dhuftay madaxtooyada. Masuuliyiinta dawl;ada iyo saraakiisha ciidamada ayaan midkoodna ka hadlin waxa xalay dhacay.


Dawlada, ayaa baryahan dambe waxay ka gaabsataa in ay ka hadasho waxyaabaha ka dhaca magaalada Muqdisho.