Muqdisho oo Lagu Qabtay Qof Laggaga Shakiyay in uu Qabo Cudurka Feedho- Dhabah (Corona-Virus)

 

Jijiga, Mar 11, 2020 – Qof Soomaali ah oo la socday Diyaarada Ethiopian Airline, kana yimid dalka Shiinaha oo laggaga shakiyey in uu qabo cudurka Feedh-dhabah (Corona-virus), ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade, Muqdusho.

Qofkan oo aan magiciisa la sheegin, ayaa ka yimid magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Qofkan ayaa la geeyay meel Karantiil ah, walina ma cada in uu qabo cudurka Feedha-dhabaha (corona-virus) iyo in kale.

Qofkan Soomaaliga ah ee la Karantiilay, ayaan la ogayn mudadda uu joogay magaalada Addis Ababa iyo waliba dadka uu la kulmay midna.

Qofkan ayaa hadii laga helo cudurka Feedho-Dhabah (corona-virus), noqon doona qofkii ugu horeeyay ee laga helo Geeska Afrika.

Dhawaan ayay ahayd kolkii wasiirada haweenka ee Soomaaliya Khadiija Cabdulahi ay diiday in laga eego cudurka Feedho-Dhabaha, xili ay safar kaga timid dalka Masar.

Dalalka Afrika ee xanuunka laga helay waxaa ka mid ah; Masar, Aljeeriya, Nigeria, Maroco, Burkina Faso, Koonfur Afrika, Cameroon iyo Togo.

Dayaarada Ethiopian Airline, ayaa samaysa duulimaadyo joogto ah oo ay ku tagto dalka Shiinaha oo ah meelaha uu ugu daran yahay Cudurka Feedho-Dhabuhu (Corona-virus).