Mudaharaad ka Dhacay Gabiley

 

Gabiley, Dec 17, 2011 [ras] – Ugu yaraan labo [2] ruux ayaa lagu dhaawacay ka dib kolkii dadwyne mudaharaadaya ay Booliska maamulka Somaliland rasaas ku fureen.

Mudaharaadka ayaa dhacay ka dib kolkii ay boolisku xidheen oday dhaqameeyo iyo salaadiin ka soo jeeda degmada Gabiley.

Xadhiga Salaadiintan ayaa daba socda dilal waxashnimo oo dhawaan ka dhacay tuulada Seemaal oo ka tirsan degmada dila.

Booliska ayaa xidhay dad badan oo banaan baxa ka qayb qaadanayey, una adeegsaday rasaas badan oo ay cirka u ganayeen. Waxay ka qaateen mudaharaadayaasha mariyihii ay halgudhagyada ku asleen oo lid ku ahaa maamulka Somaliland.

rasaasa.com