Mogadishu: Isbadalka Dhaqaale ee Atoobiya iyo Isbalaadhin Uubo Dabataal

 

JijigaAtoobiya oo sanooyin badan ahaan jirtay hoyga kaalmada aduunka, ahaydna wadamada tusaalaha loo qaato marka laga hadlayo gaajada ka jirta Afrika.

Waxaa dhawrkii sano ee ugu dambeeyey laga yaabay kobaca dhaqaale ee ay Atoobiya ku talaabsatay, kaas oo dhaqaalo yahanada macnany kari waayeen sida uu ku hirgalay. Waayo waxaa uu ka baxsan yahay qaaciidooyinka lagu yaqaan koboca dhaqaale, oo ah wax soo saar ama shaqo bixin [production and services].

Waxaa kale oo koboca dhaqaale barbar socday siyaasad aan la mari karin oo ka taabo gashay dalka Atoobiya, muujisayna in ay ka gudubtay Afrika oo wax la qaybsato reer Galbeedka, wakiilna uba noqoto Afrika.

Hadaba maxaa ugu wacanaa kobaca dhaqaalaha iyo xooga siyaasadeed ee lagu arkayey Atoobiya toban sano ee ugu dambeeyay? Intee in la,eg bayse sii socon kartaa, hadii ayna arintu ahayn shin u dhalad?

Dadka aqoonta u leh siyaasada waxay yidhaahdaan siyaasada iyo dhaqaaluhu waa labo arimood oo isku xidhan, oo isu iisha.

Kobaca dhaqaale iyo awooda siyaasadeed ee ay Atoobiya ku talaabsatay tobankii sano ee ugu dambeeyey waxaa ugu wacan dhawr arimood oo kala ah; xidhiidhka dhaw ee Israa,iil, burburka Somaliya, dagaalka Al Qaciida reer galbeedku kula jiraan, xidhiidhka Shiinaha, dhaqaalaha Abaarta iyo naxariisdarada ciidamada Atoobiya.

Dalka Israa,iil oo lagu sheego Maraykan bariga dhexe waa buunada isku xidha Afrika, Aasiya iyo dalalka galbeedka. Hadaan si dadban u nidhaahno Israa,iil waa wakiilka reer galbeedka ee Afrika iyo Aasiya. Israa,iil sodonkii sano ee ugu dambeeyey waxay dhisaysay sidii ay xidhiidh fiican ula yeelan lahayd Afrika, waxayna maanta gacanta ku haysaa inta badan dalalka Afrika. Xidhiidhka Afrika ee Israa,iil waxay u martaa Atoobiya, waxayna ka samaysay Afrika maal galino aan muuqan oo ay wadaan haydaha sirdoonka ee Israa,iil oo iska dhiga hayado sama fal oo Maraykan ah. Ujeedada ugu wayn ee ay Israa,iil u xoojisay xidhiidhka Afrika waa kala dhex galka Carabta iyo Afrika.

Burburka Somaliya kobaca dhaqaale iyo awooda siyaasadaba ee Atoobiya wuxuu ka galayaa kaalinta labaad. Somaliya iyo Atoobiya waa labo dal oo ay ka dhaxayso cadaawad dhuleed iyo mid diimeed oo soo jireen. Waxaana ka dhaxayn jiray dagaalo iyo looltan siyaasadeed oo iyaga dhaafsan marmarka qaarkood.

Kolkii ay Somaliya burburtay ha dhimato mooyee ha la dhiso cidi ma odhan, waxaana aduunku wakiil uga dhigay Atoobiya, si wax walba looga waydiiyo. Dhaqaalaha dadwaynaha Somalida, midka cawiimada ah iyo midka lagu siiyo xogta Somaliya keen waxay Atoobiya u keentay isbadal dhaqaale.

Dagaalka Al qaciida reer galbeedku kula jiraan Atoobiya way ka faa,iiday meesha dalal ay ku bubureen. R/wasaare Meles waxaa uu ahaa masuulka kaliya ee Afrikan ah oo si toos ah madaxda Marykanka habeen walba ugala hadla meesha ay marayaan hawlha argagixisada Afrika, gaar ahaan bariga Afrika. Maraykan hub iyo maaliyadba Atoobiya gacanta wuu u galiyey, isaga oo inta badan u mariya Israa,iil oo hawlaha dhismaha ee ay Addis Abab ku yaal ay dhiseen shirkado Israa,iil ah.

Waana mida keentay in dal aan shidaal soo saarin macdan iyo midha beereed midna aan dhoofin uu ka muuqdo isbadal dhaqaale oo aan la tilmaami karin meel uu ka socdo “waa dilaal”.

Shiinaha oo ku biiray wadamada warshadaha iyo sayniska horumarka ka gaadhay. waxaa uu tartan ganacsi oo u baahan xidhiidh caalami ah kula jiraa reer galbeedka, waana ku khasban yahay in uu Atoobiya oo ah xarunta Afrika uu ka bilaabo xidhiidhkiisa Afrika. Taas oo wax wayn ku soo kordhisay kobaca dhaqaalaha Atoobiya ee ku dhisan dilaalnimada.

Atoobiya oo sidaan sheegnay kaalinka kowaad kaga jirtay fakhrinimada aduunka oo ay barinsadeen abaaro joogta ah oo dad iyo duunyaba gumaaday. Is looga hortago gumaad abaareed waxay reer galbeedku goosteen in Atoobiya loo qoro biil ah balaayiin dollar. Arintaas waxay kaalin ka qaadatay kobaca dhaqaale ee Atoobiya ee ku dhisan dilaalnimada.

Arinta layaabka leh, ee hadii uu jiro in uun in ay qayb ku leedahay isbadalka dhaqaale dawladu, waa gadidda waraqadaha sharciga ah ee dawladu bixiso [documents].

Dawladu waxay ka dhigtay dukumintiyada ay bixiso oo dhan kuwa xili ku dhaca, ka dibna ay dadwaynuhu iibsadaan.

Dakhliga gudaha ee ugu badan dawladu waxay ka heshaa waraqadaha sharciga, marka laga tago canshuurta tooska ah iyo mida dadban [income tax and value added tax], warqadahaas oo ay shacabku xaq u leeyihiin in noloshooda hal marqaataan, waxaa ka mida; warqada dhalashada [birth certificates], warqada baabuurta lagu wado [driving licences], Shahaadadda waxbarashada [educational certificates] kuwaas oo kuligood ku wada dhaca mudo labo sano ah iyo waliba waqadaha ganacasiga oo xad dhaaf ah.

[Tusaale ganacsadaha leh Dukaanka dharka, waxaa laga rabaa sadex laysan oo ah dharka caruurta, dharka haweenka iyo dharka raga IWM].

Ugu dambayn xukuumada Atoobiya ka arimisa oo ah Jabhad xoog kula wareegtay hogaanka dalka, ayaa jiritaankeedu ku dhisan yahay ciidan fara badan oo aan naxariis daran. Ciidankaas ayaa isku si ula dhaqma tuuga rootiga xada iyo ciidan hubaysan, taas oo keentay in shacabka reer Atoobiya uu u hogaansanaado awaamiirta xukuumada.

Naxariis darada ciidanka Atoobiya waxay keentay in ay cabudhiyaan shacabka dalalka dariska la ah, kolka loogu diro nabadaynta, sida dalka Somaliya iyo koonfurta Suudaan. Arintaas oo ay ku amaanaan reer galbeedku, Afrikana ayba u aragto geesinimo ay leeyihiin ciidamada Atoobiya. Waana mid kale oo keentay in ay Atoobiya ka dhex muuqato golayaasha siyaasada ee laggaga hadlo amaanka Afrika.

Su,aasha labaad oo ah ma sii jiri doonaa dhaqaalaha iyo siyaasada xoogan ee Atoobiya? ayaan kaga jawaabi doonaa qormada tan xigta.

WQ/Xuseen Axmed Ceelkari