Mid ka Mid ah Odayaashii Dhawaan Jaaliyada Beesha Absame ee Norway Magacaabatay oo Weerar Gacan ka Hadal ah ay ku Soo Qaaday Kooxda Jwxo-shiil.

 

War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay caasimada Norway ee Oslo ayaa sheegaya in weerar gacan ka hadal ah lagula kacay nabad doon ka mid ah maamul odayaal dhaqan oo dhawaan jaaliyada beesha Absame iyo adeerkood kaga dhawaaqday magaalada Oslo.

Nabadoon Bishaar Maxamed Iimaan [Haashim] oo marka weerarku dhacayay fadhiyay maqaaxi ka mid ah kuwa aadka looga qaxweeyo oo ku taala badhtamaha Oslo ayaa weerar u muuqday mid qorshaysan uga yimid ugu yaraan 8 nin oo isugu jira hogaanka kooxda Jwxo-shiil ee Norway iyo xubno caadi ah oo ka tirsan kooxda. Waxaa hogaaminayey weerarkan gudoomiyaha Kooxda Jwxo-shiil ee Norway Maxamed dheeg iyo ku xigeenkiisa Cabdulahi Caa oo ku jiray gaari hortaagnaa maqaayada.

Dad goob joog u ahaa oo iyagu makhaayada ka kafeeyaynayay marka duulaankani dhacayay, ayaa sheegay in kooxdan duulaanka ahi isu qaybiyeen labo qaybood iyadoo qaar ka mid ahi gudaha u galeen makhaayada, halka kooxda kalana irada la taagnaayeen mindiyo iyo bakoorado. Kooxda mindiyaha iyo bakooradaha banaanka la tagnaa ayaa waxaa horgacayey Cabdiqadir Iltol iyo wiilka uu adeerka u yahey gudoomiyaha Kooxda ee lagu magaacobo Axmed afjar.

Nabadoonkan oo isagu markaa iyada ah miis la fadhiyay dhawr rag ah ayaa la sheegay in bakeeri shaah ah dusha laggaga shubay isla markaana dhowr nin hareeraha kaga soo boodeen iyadoo dadkii makhaayada joogay oo badnaa isla markiiba ka hor tageen ragii duulaanka ahaa taasina ay keentay inaan waxyeelo intaas ka badan loo gaysan nabadoonka.

Qaylo iyo sawaxan aad u wayn ayaa ka dhashay halka falku ka dhacay oo ahayd goob ay Soomaalidu aad ugu ganacsato isla markaana ku yaalo masaajid, iyadoo isla markiiba la telefooniyay booliska taas oo keentay in ragii weerarka ahaayi ka cararaan goobta.

Lama hubo in ragan duulaanka ah dhamaantood isugu habar wacdeen waxyeelada nabaddoonka iyo in goolkoodu ahaa dhamaan xubnahii dhawaan jaaliyadu magacawday maadaama goobta falku ka dhacayi ahayd meel ay si joogta ah ugu kulmaan maamulkii asbuucii hore lagu dhawaaqay.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kooxda Jwxo-shiil ee Norway oo iyagu isu arkayay in ay matalaan beesha Absame aad u dhibsatay maamulkii dhawaan magacawdeen wax garadka beeshu, iyagoo isla markii maamulkan laga shanqariyayba bilaabay dacaayad iyo caga juglayn isku jirta.

Dhanka kale maamulkan dhawaan la magacaabay ayaa sida la sheegay ah mid loogu tala galay in uu matalo xubnaha ku abtirsada beesha Absame ee dalka Norway iyadoo aan loo eegayn urur iyo dagaan toona. Wali wax war ahi kama soo bixin hogaanka maamulkan cusub oo maanta mid ka mid ahi si dirqi ah kaga baxsaday weerar ay ku soo qaaday kooxda Jwxo-shiil.

Warkan ayay na soo gaadhsiiyeen xubno Jalyiyada Noway ah