Eed Male UBO iyo KILDHI, Waa Agabki Soomaale

 

Ubo2Uboda iyo Kildhiga ooyey ee kiciyey laabtayda, Ashkatada kuwaas keenay ee  agabka Soomaala,  Kama aamusnaan karo kuwaan ku intifaaceene. Kii arliga ka baxay iyo kuwii iibka lagu keenay, kol haday colaad kala gashoo ay kaftami  wayday, Kii ergada ku yimid iyo kildhigow qaata kabihiina.

Kildhi iyo Ubbo, waa labo shay oo si xoog leh ay u isticmaali jirtay Somalidu, kuwaas aad uga qayb qaadan jiray hawl maalmeedka bulshadii Soomaaliyeed oo nolosheedu ku xirnayd miyiga.

Labadan shay oo qiimo badan ku dhexe lahaa bulshada Somalida, ayaa xiliyadan dambe degaanada Soomaalida qaarkood ay abaal dhaca ku hayso alaabtan dhaqanka, xumeeyaana magaca labadan shay.

Labada shay ee Ubo iyo Kildhi, xaga taariikhda Somalida waxaa ku fac wayn Ubo.

Kildhi iyo Ubo, labadan shayba waxay reer miyiga ku qabsan jireen hawlo muhiim ah oo isku dhaw, in kasta oo ay kala duwan yihiin waxa ay ka samaysan yihiin.

Ubo, waa shay ka baxdaa wadanka, laakiin Kildhi, waa shay la warshadeeyey oo laga keenay dibada “Kildhi waa shisheeye”. Taasi waxay keentay in Ubo, aad uggaga badnaato Kildhi degaanada Somalida, maadaama ay tahay shay ka baxa dhulka Somalida “Ubo waa wadani”.

Xaga Isticmaalka, Kildhi mudo dheer ayaa la isticmaali karaa, wuuna ka tiro yar yahay Ubo, sida lagu helaana way adag tahay maadaama uu yahay wax la farsameeyey oo dibada laga keenay.

Ubo, xaga isticmaalka way ka cimri yar tahay Kildhi, wayna ka tiro badan tahay Kildhi. Hadii ay kaa jabto waxaad si fudud ku heli kartaa kuwa badan.

Xaga adeegsiga, Somalidu waxay aad u jeclayd isticmaalka Ubo, waayo waxay ku shuban jirtay; subaga, caanaha, biyaha, biyaha iyo wadaada oo ku qaadan jiray biyaha waysada.

Kildhi, wuxuu lahaa labo manaafacaad oo kala ahaa; in wadaadu waysada ku qaataan iyo in halal karoonkor ah lagu karsado.

Taariikh fiicana kuma laha Somalida iyo dhaqankeeda midna. marka laga tagi waayo tilmaanta xun ayuu ka qayb qaadan sid; Afkiisa la moodo fur kildhi jabo laggaga guuray IWM.

Ubo, waxay ku leedahay degaanada Somalida taariikh iyo dhaqan ay ku muujiso suugaanteeda.

Waa kii lahaa Aw Aadan Sayyid Maxamed ku lahaa; Ubo wayso waan kugu arkaa agab salaadeed, Aadaana waan kaa maqlaa oogta waabariye, ashahaada beenlo maxaa ahaa kugu aasan.


Sayyid Maxamed Cali Qablax waa yidhi; Doqon amar Eebe taqaan Ubo waysadaada looma dhiibto.

Wayteen culimo laga waayey iyo Ubo wayso laga waayey, waa aduun lumay.