Maxaad ka Taqaan Gabalka Liibaan ee Degaanka Somalida Ethiopia?

 

Qaybtii 2aad ee bandhiga barashada gabalada degaanka Somalida Ethiopia. Gabalka Liibaan waxaa uu ka mid yahay sagaalka gabal ee ka kooban yahay degaanka Somalida Ethiopia. Waxaana uu gabalku ka kooban yahay 6 degmo iyo 60 tuulo.

Liibaan waxaa uu xad la wadaagaa dhinaca koonfurta dalka Kenya, dhinaca galbeedka degaanka Oromada, dhinaca waqooyi bari gabalka Afder ee degaanka Somalida iyo koonfur bari dalka Somaliya. Dadka ku dhaqan gabalka Libaan waxaa uu xidhiidh adag oo ganacsi iyo mid bulshaba la wadaagaa Somaliya iyo Kenya, waxaana meel badan oo gabalka ah laga isticmaalaa shillinka Somaliga.

Gabalka Libaan waxaa uu ahaa furin dagaaladii isku xig xigay ee dhexmaray Somaliya iyo Ethiopia. Laakiin, gabalku wuu ka nabad galay colaadii ay waday Jabhada ONLF 16-ka sano, waxaana uu ka mid ahaa gabalada nabdoon ee aan laga taageerin ururadii colaada kula jiray dawlada 1994 – 2010.

Gabalka Libaan, waxaa hore magaalo madax ugu ahaan jirtay magaalada ganacsiga caanka ku ah ee Mooyaale, oo hada ka mida degaanka Oromada.

Dhinaca dhaqaalaha: Gabalka Libaan waxaa uu hodan ku yahay dhaqashada xoolaha nool sida; geela, lo,oda, adhiga, fardaha iyo dameeraha. Waxaana
suuq u xoolaha nool ee gabalka Liban magalada ganacsiga ee Moyale dhinaca Kenya iyo magaalada Madheera ee Somaliya. Dhinaca Kenya iyo dhinaca Somaliyaba waxaa degan Somali ah oo xidhiidh dhaw la leh dadka ku nool gabalka Libaan ee Ethiopia. Xoolaha nool ee gabalka Libaan waxaa laga dhoofiyaa dekada magaalada Muqdisho, iyaga loo dhoofiyo dalalka carabta.

Gabalka Libaan waxaa mara wabiga weyn ee Ganaane, waxayna dadweynaha gabalku si aan joogto ahayn u tabcadaan dalagyada kala gadisan ee beeraha sida; masagada, galeyda, sinsinta iyo noocyada khudaarta.

Waxaa kale oo gabalka aad uga baxa noocyada xabagta sida; caddaada, mal malka, hadiga, fooxa cad iyo fooxa madow, xabagta ka baxda gabalka waxaa lagu iibiyaa suuqyada dalka Somaliya iyo dalka Kenya, sida loogu iibiyo xoolaha gabalka si la mid ah.

Waxaa kale oo gabalku caan ku yahay noocyada malabka sida; malabka shinida iyo ka dhurdaha ee loo yaqaan surta.

Waxaa iyana gabalka ka baxa geedo qaali ah oo loo isticmaalo dawooyinka iyo udkoonka sida dacarta, qoodhiga, tiiraha, mawaha iyo geed casaha oo qaali ah, geedahaas oo kuligood laga dhoofiyo gabalka iyaga oo lagu gado suuqyada dalka Somaliya iyo Kenya. Geedaha waxaa dalka Somaliya looga sii dhoofyaa dalalka Carabta.

In kasta oo aan baadhi cilmiyeed oo rasmi ah lagu samayn hadana waxaa gabalka laga guraa dhagxaan qaali ah oo si tuuga ah gabalka uga baxa, madaama ayna Ethiopia hore si buuxda maamul iyo suuq midna ugu haynin.

Waxaa jira macadan dihin oo aan aqoon iyo hanti midna loo haynin in la soo saaro, taas oo hadii laga shaqeeyo soo saaristeeda wax weyn ka badali dhaqaalaha gabalka Libaan, kan degaanka Somalida iyo guudahaan Ethiopia.

In kasta oo aan si dhab ah loo hayn tiro koobta dadka gabalka degan hadana waxaa jirta qiyaas ay soo saarto hayada tirada ee Ethiopia, taas oo noqotay 605,159 ruux sanadkii 2005.

Qiyaas ahaan waxaa la sheegaa in 88.7% dadka ku nool gabalka Libaan ay yihiin reer miyi, qiyaas ahaana 11.3% dadka gabalku ay yihiin reer magaal. Arintan waxaan ka soo xiganay waxaad tira koobka ee dalka Ethiopia.

Gabalku wuxuu kaalinta 5aad ka galayaa dhinaca horumar la,aanta sagaalka gabal ee uu ka kooban yahay degaanka Somalida Ethiopia.

Dadweynaha u dhashay gabalka Liibaan, ayaa gude iyo dibadba si wanaagsan  uga qayb qaata dhinaca horumarinta gabalka. Waxayna ka sameeyaan gabalka maal gashi joogta ah, samaynta Hayado sama fal oo ka qayb qaata dhismaha Iskuulada, biyaha iyo dhismaha rugo caafimaad.

Waxaa ka jira gabalka Iskaashatooyin beeraley, iskaashatooyin dhismaha ah iyo Iskuulo dhawra oo gaarloo leeyahay.

Dawlada degaanka Somalida ayaa gacan xoog leh ka siisa dadweynaha gabalka arimaha horumarinta, iyada oo siisa matooro biyood, matoorada korontada iyo midhaha abuurka beeraha, maadaama ay gabalka ka jirtay nabad galiyo.

Wakaalada tira koobka Ethiopia, ayaa qortay in qiyaasta tirada dadka ku nool degaanka Somalida Ethiopia sanadka 2010 ay tahay 4,986,004 oo ruux.

Shaxdan hoose waxay tusaysaa tirada dadka degmooyinka iyo xoolaha ku nool gabalka Liibaan ee degaanka Somalida Ethiopia.

Region
Population
Urban
Camel
Cattle
Sheep
Goat
Horse
Donkey
Mole
Afder
605,159
10%
21,501
120,090
230,005
610,780
3
7,009
31
Degmo
Filtu
Mooyale
Dolo-cade
Mubarak
Yuusfka
Udent
population
146,775
284,641
 125,238
nil
nil
48,415


FG. Degmooyinka ayna qorayn tirada dadka ku nool waa degmooyinka cusub oo aan wali la qiyaas tirada dadka ku nool.

rasaasa.com