Maxaabiista ONLF ee Siyaasada u Xidhan oo la Gaadhay Xiligii la Siidayn Lahaa

 

Waxaa mudo door ah socday wadahadalo nabadeed oo u dhaxeeya ururka ONLF iyo dawlada Itobiya. Wada xaajoodkaas oo bilowday June 12, 2010 ayey dawlada dhexe iyo ONLF isku dhaafsadeen qodobadii salka u ahaa wadahadalada nabada. Kulankaasi waxaa xigay kulankii 2aad ee u dhaxeeyey dawlada iyo ONLF oo ka dhacay Washington August 31, 2010.

Waxaa wadahadaladaas garab socday xubno ONLF ah oo loo diray gudaha si ay u xaqiijiyaan, xabad joojinta iyo waliba anbaqaadka nabada gudaha. Waftigu waxay mareen dhamaan gabalada dalka, meel walba oo ay tagaana waxayna kula kulmayeen dadweynaha iyo ciidanka wadaniga xoraynta Ogadeeniya [cwxo].

Dibadahana waxaa ka socday dadaalo badan oo lagu gaadhsiinayo dadweynaha wadahadalada nabad ee uu ururka ONLF kula jiro dawlada. Waftiga dibada waxaa hogaaminayey gudoomiyaha ururka ONLF, oo socdaalkiisii ugu dambeeyey ku tagay Bariga Afrika.

Labada wafti ee ONLF, ee ka hawlgalay dibada iyo gudaha waxay dib ugu laabteen meelihii ay hore uga jaanqaadeen in kasta oo aanaan wali wax warbixin ah oo ay soo saareen aanaan arag.

Waxaa jira baa la leeyahay diyaar garow xoog leh oo ka socda gudaha iyo dibada, oo loogu diyaar garoobayo dhamaystirka wadahadalada nabada. Waxaana la filayaa in dhawaan ay ka dhici doonaan gudaha dhulka Somalida Ogadeeniya laba shir oo muhiin ah, kuwaas oo uu raaci doono saxiixa ugu dambeeya.

Dadaaladaas nabada ayaa waxaa la filayaa in uu barbar socdo, sidii hore loo shaaciyey siidaynta maxaabiista xabsiyada ka buuxda ee xiligii dagaalka la xidhay, oo ka mid ahaa qodobada wadahadalada nabada.

Dhinaca siidaynta maxaabiista ayaan ilaa iyo hada wax talaabo ah oo lagu siidaynayo maxaabiista aanay wali dhicin marka laga reebo dhawr ruux oo hore loo siidaayey iyo maxaabiis sida la sheegay laga siidaayey gabalada qaarkood.

Siidaynta maxaabiista ka buuxa Jeelasha ayaa qayb muhiim oo ka noqon kara dhiiri galinta dadweynaha iyo siyaasiyiinta u dhalatay dhulka Somalida Ogadeniya ee wali lugta dib u haya.

Kalsoonida iyo kasbashada dadweynuhu waa furaha nabada aduunka, gaar ahaana dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

rasaas.com