Maxaabiis Laga Siidaayey Jeel Ogadeen

 

Jeel OgadeenJijiga, May 16, 2014 – Maxaabiis tiradeedda lagu sheegay labo kun [2, 000] oo ruux ayaa maanta laga siidaayey Jeelka Ogadeenka ee magaalada Jijiga.

Maxaabiistan oo u badnayd dad dhalinyaro oo sanooyin ku jiray jeelka, ayaa horay looga soo uruuriyey magaalooyinka, iyaga oo lagu eedeeyey in ay taageeraan ururka ONLF.

Maxaabiista la siidaayey ayaa isugu jira dhadig iyo labood, kuwaas oo aan waligood maxkamad la horgayn.

 

Saddex goor oo hore ayaa laga siidaayey Jeel Ogaadeen maxaabiis ay tiradooda guud tahay lix kun  oo maxbuus [6,000].

Jeel Ogadeen oo ah Jeelka ugu wayn degaanka Somalida Ogadeeniya, waxaa ku xidhan maxaabiista ugu badan Atoobiya.

Tiradan maanta xabsiga laga siidaayey ayaa ah wax ka yar 0.5% tirada maxaabiista ku xidhan Jeel Ogaadeen.