Maxaa Loo Xidhay Hogaanka Dhaqanka?

 

Wali lama hayo wax cadaynaya sababta keentay xadhiga hogaamiye dhaqameedka magaca wayn ku leh degaanka Somalida Ethiopia,  xili ay socoto caleema saarka Garaadka guud ee beesha Kuumade Kablalax.

Xabsi in la dhigo Hogaamiye dhaqameed beeleed waa arin aad uga soo horjeeda dhaqanka suuban ee Somalida, wanaaga iyo saldhiga midnimo dawladnimo.

Hogaamiye dhaqameedyadu waxay wataan magaca beesha ay talada hogaanka dhaqanka u hayaan. Waxayna door wayn ku leeyihiin jihaynta nabad galiyada bulshada iyo guud ahaan dalka, shaqadaas oo ah mid ay ku ixtiraamaan dawladuha, siyaasiyiinta, culimada iyo guud ahaan bulshada ay ku dhex nool yihiinba.

Waxay bulshada Somaliyeed tidhaahdaa hogaamiye dhaqameedku ma khaldamo, laakiin waa lagu khaldamaa. Waxaa xiliyada qaarkood ku khaldama oo xurmada ka qaada maangaab aan garanayn micnaha magaca hogaamiye dhaqameedka, si khaldana u isticmaala xilka  shaqo ee uu mushaarka ku qaadanayo mudada kooban.

Hogaamiye dhaqameeyadu waa kuwa ugu ilaalinta badan shuruucda dalka u degan, waayo shaqadooda ayaaba ah nabad ilaalin.
Waxaa aad u haboon in hadii oday dhaqammeedku wax ka gaws qabsado dhinaca dawlada ah, in si nidaamsan oo waafaqsan dhaqanka iyo xurmada lagu xaliyo arinka laysku qabto.

Waxaa wax aad looga xumaado ah in bulshada dawlada degaanka ee aan wali ka bogsoon boogihii colaada iyo maamul xumada in ay dadweynaheedu internetyada ku arkaan qoraalo xurmo la,aan ah oo lagu bahdilayo qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameeyda degaanka Somalida Ethiopia.

Hore waxaan ula soconay in ay jirto xurguf yar oo la xalin karo oo u dhaxaysa qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada degaanka Somalida iyo dawlada haatan jirta. Waxayna dadweynuhu isha ku hayeen in is afgarad lagu xalin doono.

Waxaa arinka budo caydhiin ku daray bogga ku hadla afka dawlada ee Cakaaranews.com oo soo daabacay arin aad u foolxun, iyaga oo sheegay in la xidhay qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada degaanka iyaga oo waliba si foolxun oo aan qaban hogaamiye dhaqameedyada wax uga qoray.

Dhinaca kale waxaan arkaynaa hogaamiye dhaqameedyo aad loo xurmaynayo oo maalmahan oo dhan uu socday dabaaldagoodu, waxaa hadab isweydiin leh maxaay tahay siyaasadan horta leh ee kala fadilaysa hogaamiye dhaqameedyadan degaanka Somalida Ethiopia.

“Wiilkii badraan ihi xumaha wuu baga baggeeyaaye, bal aan barano xaajadan kobtii badhida loo saaro” Maxamuud Cali Beenaley.

Xaqiiq waxaa ah in sharciga Afrika uu ka xoog badan yahay dhaqanka suuban ee Afrika kaas oo ay gacanta ku hayaan odayaasha gaajaysan.

Daliil waxaa arinkaas u ah in labada wariye ee Swesh-ka ah, ee ay Ethiopia ku xukuntay 11 sano in xaalkoodu uu maanta hoos yaal xeer dhaqameedka Ethiopia, kaas oo ka xoog badan sida ay dawladu sheegtay sharciga dawlada ayey Martin Schibbye and Johan Persson cafis weydiisteen.

Waxaa dhaqankaas subaan ee ay ixtiraamtay Ethiopia ka hor yimid masuuliyiin ka tirsan dawlada degaanka Somalida Ethiopia oo xidhay hogaamiye dhaqameedyo degaanka ah, qoraal bahdil ahna ku qoray bogga cakaaranews.

Ugu dambayn, xadhigan ayaan marnaba ka farxinaynin guud ahaan dadweynaha degaanka Somalida Ethiopia, waayo arinka lagula kacay qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedku, waxaa ay saamaynaysaa dhamaan madaxda dhaqanka oo xurmadoodii la fara galiyey.

rasaasa.com