Maxaa Loo Xidh Xidhay Dadka Somalida Ogadeeniya ee Qaxootiga ku ah Waqooyi Bari Somaliya

 

Dhibaatooyinkii uu Jwxo-shiil ka dhex abuuray ummada Somalida Ogadeeniya iyo halgankeeda oo noqoday mid lagu xaliyo dhibaatadiisa dalalka dariska ah iyada oo ay maanta cid waliba ka dharagsan tahay waxyeelada uu Jwxo-shiil gayeysiiyey halganka ummada Somalida Ogadeeniya.

Markii ay maqleen dadka Somalida Ogadeeniya in lagu xidhay Puntland dad ka badan oo ay tiradoodu kor u dhaaftay 100 ruux oo  ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, qaxootinimona ku jooga Puntland, ayey aad uga cadhoodeen.

Puntland waxaa ay ka mid tahay maamul gabaleedyada Somaliyeed ee ay joogaan dad badan oo ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya, waana maamulka kaliya ee Somaliyeed u ogolaaday in ay dagaan dhulkooda dad qaxooti ah, waxayna u sameeyeen degaan wayn oo ay ka dhistaan waxa ay doonaan, uguna noolaadaan si nabad galiyo ah.

Dadka qaxootiga ah ee ka soo jeeda dhulka Somalida Ogadeeniya ayaa waxay soo galeen Puntland xiliyo kala gadisan iyo waliba sababo kala duwan oo ay ugu weyntahay sababo dhaqaale. Markii ugu horaysay ee dadkan qaxootiga ahi ay dageen Puntland ayaa waxay ahayd xiliyadii ay bilaabtay colaada sokeeye ee Somaliya xiligaas oo ay Puntland ahayd meelaha ugu nabda badan Somaliya.

Dadkan Qaxootiga ah, ayaan lagu xidhin warqado shaqo si ay uga shaqaystaan Puntland, waxayna si xoog leh uga xoogsadaan magaalada ganacsi ee Boosaaso, waxayna ku lee yihiin meherado ganacsi oo kala heerar ah.

Dhinaca kale waxaa dhulka Somalida Ogadeeniya si xoog leh u degan oo uga xoogsada dhulka Somalida Ogadeeniya dad ka soo jeeda Punland, dadkaas oo aan wax dhibaato ah ku qabin dhulka Somalida Ogadeeniya, hadii ay noqon lahayd dhinaca maamulka Kaalinka 5aad iyo hadii ay noqon lahayd dadweynaha Somalida Ogadeeniya. Marka laga tago dhinaca siyaasada waxaa uu xidhiidh wanaagsan oo dhaw uu ka dhaxeeyaa dadka degan labadan degaan, in kasta oo uu jiray khilaaf dad ka tirsanaan jiray ururka ONLF oo uu dhiibay maamulka Puntland, hadana arintaasi ma ayna keenin wax khilaaf ah, waayo waxaa cadaatay in ay jirto gacan saddexaad.

Hadaba, waxaa jirta colaad siyaasadeed oo uu garab ka mid ah Jabhada ONLF, uu ka dhex abuuray dadweynaha qaxootiga ah ee halkaas degan, waxaana dhacday dhawr goor oo hore dilal, gacan qaadyo iyo waliba is basaasid ka dhex dhacday dadka qaxootiga. Waxaa uu maamulka tabarta yar ee Puntland garan waayey wax sabaabaya arintan, waxaana dhawr goor loo sheegay in arimahaas ay dadka qaxootiga ahi ku xaliyaan hanaan dhaqan, waxabase Ilaahay kama aabaynin.

Hadaba, intii lagu jiray bisha Ramadaan, ayaa waxaa dhacay dilal iyo is budhayn ka dhacay magaalada Bosaaso, oo la xidhiidhay dhibaatooyin ka dhacay dalalka gaar ahaana dalka Sweden halkaas oo lagu dhaawacay nin ka mid ahaa dadka degan dalka Holand oo u yimid dalka Sweden in uu ka qayb galo shir uu lahaa ururka Nabada iyo horumarinta Somalida Ogadeeniya.

ONLF, Garabka Maxamed Cumar Cismaan [Jwxo-shiil], waxaa uu galiyey mugdi mustaqbalkii iftiimayey ee ummada Somalida Ogadeeniya, ka dib kolkii uu galay dunuub ku saabsan dil dad magac weyn ku lahaa halganka ururka ONLF. Ma jiraan sabab cad iyo waliba wax kalifay in uu dilo dadkii hormuudka ahaa halganka ummada Somalida Ogadeeniya, arintaasi waxay lugta la gashay arimo qabiil oo dhex gashay ururka ONLF, waxayna waxyeelo wayn u soo jiiday halganka ay waday Jabhada ONLF.

Tan iyo intii uu Jwxo-shiil, galay dilkii qarsoonaa ee uu kula kacay Dr. Dolal, ka dhex dhacay dadweynaha Somalida Ogadeeniya meel kasta oo ay joogaanba, calool xumo iyo waliba gacan qaadyo, waxaa ka mid ah meelaha ay dhibaatooyinku ka dhaceen; dalka keenya oo uu dhiig ka dhacay, dalka Koonfur Afrika oo uu iyana gacan qaadyo ka dhaceen, dalka Ingriiska oo uu gacan qaad iyo dacwooyin ka dhaceen muddo labo goor ah, dalka sweden oo uu ka dhacay dhaawac xun iyo waliba dalka Holand oo uu ka dhacay gacan qaad.

Waxaa istaagay dhaqdhaqaaydii uu waday ururka ONLF, colaada uu horseeday Jwxo-shiil darteed, hadiiba uu dhaco kulan ay bulshadu isugu timaado waxaa khasab ah in uu dhaco dagaal ama gacan qaad. Waxaa ay ku jirtaa umada Somalida Ogadeeniya hogasho, Jwxo-shiil oo ah ninka ugu da,ada weynah dadweynaha Somalida Ogadeeniya lana moodayey in uu ka mid yahay dadka ugu waayo aragsan, waxaa uu wax walba ka jeclaaday in uu galo dhagar qabiil iyo in uu kala diro halganka ay ummadu lahayd ee lagu marti qaaday.

Puntland waxay u dul qaadan weyday kolkii ay dunuub joogto ah ka dhacayeen dalkeeda kaas oo ay samaynayaan dad qaxooti ah oo si nabdi ku jirto loogu ogolaaday in ay ugu ceeshaan Punland.

Waxaa jirtay wareegto uu soo saaray ninka Jwxo-shiil u ah arimaha dibada oo uu ku cambaaraynayo maamulka Puntland, waxaana wax lala yaabo ah in uusan ka hadlin dilalka maalin walba ka dhex dhacay dadweynaha Somalida Ogadeeniya meel kasta oo ay joogan, maamulkii lahaa ha is dilinana uu cambaareeyo. Waxaa uu maalin dhawayto lahaa waxaanu nahay Itobiyaan doonayona in uu madax ka noqdo, waxaana uu ka mid ahaa raga ka soo bara kiciyey dadkan qaxootiga ah guryahoodii ay deganaayeen.

Ugu dambaynta dadweynaha Somalida Ogadeeniya waa in ay fahmaan dhibaatooyinka uu Jwxo-shiil ku hayo halganka iyo dadweynaha Somalida Ogadeniyaba, inta uu horjoogaha ka yahay garabka dabiga ee ONLF, colaada ka dhex jirta dadweynaha Somalida Ogadeeniya way sii socon, halgankuna maalinba maalinta ka dambaysay wuu sii burburi, Punland, Itobiya iyo Somaliland waxba kuma laha dhibaatooyinka haysta halganka iyo dadweynaha Somalida Ogadeeniya.

Arimaha Khilaafyada
rasaas.com

rasaas baa runta sheegee rafiiqaaga ka yeelo