Maxaa ka jira in madaxweynaha Kilika 5aad, Abdi Illey qarka u saran yahay in uu Baxsado iyo xog rasmi ah

 

Cabdi-Maxamud-1-267x300Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomalida Cabdi Iley, ayaa xiligan u muuqda in uu kalkiisii gaadhay, sida caadadda u ah Tigreega, Kililka shanaad madaxwaynihiisu ma dhamaysto xiligiisa, oo ah 5 Sano, waxaana oganahay in ay Kililka soo mareen 10 madaxwayne, uuna yar yahay mid sadex sano dhamaystay:

Cabdi Iley oo isagu sadex sano dhamaystay, oo taasna ay sababtay dhimashadii Males sanaawi, kadib markii ay isku dhax yaacday hogaaminta sare ee Tigreegu, oo iyagu ku muransanaa cidii hogaamin lahayd Ethiopia, ayaa waxay jaanis siisey Cabdi Iley, in loo kansha waayo, sidaasna uu ku dhmaysto sadex sano.

Hadabo hada ood moodo inay Tigreegu ka hashiiyeen murankii iyaga u dhaxeeyey, ayaad moodaa in Cabdi Iley hada loo soo jeestay, isaguna uu arintaas dareen sanyahay. Cabdi iley oo markii horeba xukunka ku qabsaday Mixnada, Khaa’inimo iyo Laaluush xad dhaafo, ayaad moodaa in uu wali rajo ka qabo in ay hadana suurta galtahay inuu meesha ku siijooga farsamooyinkiisii hore, hase ahaatee aad moodaa inay u socon la’dahay doorkan.

Waxaa muuqata in dhawaanahaan uu dagaal hoose uu ka dhaxeeyo isaga iyo Hayda sirdoonka itoobiya. Cabdi Iley oo had iyo jeer la dagaalama, ama handada dadka uu is leeyahay way ku badili karaan, horeyna ugu soo guuleystay inuu xidh xidho rag farabadan oo uu u arkayey inay booskiisa buuxin karaan, yaad moodaa inay hada arintaasi u socon la’day.

Waxaad moodaa in ay Addisaba howsha Cabdi Iley in meesha laga qaado ay u xilsaartay hayda Sirdoonka Ethiopia. Taas ooy muujinayso isku dhaca dhawaanahaan dhex maray haydaas iyo Madaxweyne Cabdi Iley:

Waxaa jirta in uu isku dayey nin mucaaradkiisa ah oo horeyna ay usoo wadashaqayn jireen, kana tirsanaan jirey Gudiga Fulinta ee xisbiga kililka maamula( X.D.SH.S.I), ninkaas oo magiicasa la dhaho, Ahmed Sheekh, uu Cabdi Iley isku dayey si badheedha dhow jeer inuu kasoo xidho Addis Ababa, isagoo baabuur qabaala iyo ciidan uu hogaaminayo taliyaha xabsisga Jeel Ogaadeen(Jamaal Dheere) u direy, ayna u suura galiwayday kadib markii ninkaas hayada sirdoonka Ethipia ay ilaalo u samaysay.
Hada mar labaad ayuu si hoose oo sir ah, ugu direy askar dhar cad ah si ay si qarsoodi ah usoo afduubaan ninkaas, waxaase dhacday in la ogaaday oo 12 nin oo aritaas uu u direy lagu xidhay Addis Ababa, una muuqato in maxkamad la soo taagayo.
Arinta ugu cusub waxaa weeye, nin ka tirsan xisbigii Itixaad(WSLF) ee sedex sano ka hor dowlada la heshiiyey, oo magaciisa la dhaho Ahmed Nuur, ninkaas oo dhawaanahaanba ay isla qoob qaadeen Cabdi Iley, ooy aadna saaxiib u noqdeen, wada shaqayn farabadana ay ka dhaxaysay isaga iyo Dowlada Federaalka ah, siiba Ciidamada iyo sirdoonka, kaas oo howla farabadan u fuliyey dowlada, ayna ka midtahay, afduubka Saraakiisha ONLF. Nikan oo ahaa ninii fulinjirey dilalka iyo afduubka ka dhaca dalka Kenya, ee loo geysto Jabhada ONLF saraakiisheeda, falkii ugu dambeeyeya uu ahaa kii dililka loogu gaystay dadka taageera Jabhada, ee ka dhacay magaalda Gaarisa. Kaas kii ka horeeyeyna uu ahaa, falkii Nairobi lagaga afduubay labadii nin ee xililka sare ka hayey Jabhada ONLF, oo kala ahaa Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Dheere.
Arintaan ood moodo in uu khilaaf ka dhashay, oo u dhaxeeya sadexda dhinac ee kala aha Dowlada Federalka, Cabdi Iley iyo Ahmed Nur(oo ah shaqsiga isaga arintan fuliya), ayaa waxay sababtay in Ahmed Nur uu Addis Ababa soo dhaafi waayo isaga oo Cabdi Iley ka cabsanay, magana galay hayada Sirdoonka dowlada dhexe. Sababtana lagu sheegay laba arimood oo kala ah:

In ninkani ay aad isu gahmeen Militariga iy Sirdoonka Ethiopia, taas oo Cabdi Iley uusan raali ka ahayn, oo uusan Jeclayn in nin Ogaadeen ay dowlada dhexe ay aad isu fahmaan
Iyo warar sheegaya in labadii nine e Nairobi laga soo afduubay waa (Sulub Cabdi iyo Cali Dheere) mid kamida lala’yahay, oo loo malaynayo inuu Cabdi Iley xabsiga ku diley, Magana galay hayda Sirdoonka dowlada Federaalka ah, oo uu ninkani(Axmed Nur) kashifey.
Aritaas oo Cabdi Iley aad uga xanaajisay ayaa wuxuu go’aan ku gaadhay inuu askar iyo baabuur u diro si loosoo xidho ninkaas(Ahmed Nur).

Hadaba side baryahan dambe caadada ahayd, waxaa dhacday in dhamaan askertii iyo baabuurkii u Addis Ababa u direy si ay Ahmed Nur isoo xidhaan, dhamaantood iyaga xabsiga loo taxaabay, ilaa iyo hadana ay xabsiga ku jiraan qaara waxaa la xugumay maalintii jimac aheyd 25/072014 10 sano xariga ah oo ay noqdeen “dhurwaagii soo fuulmada tagay”

 

Hadaba sida lawada yaqaan, Cabdi Iley oo aan unugul, una adkeysan Karin cadaadiska siyaasadeed, iyo in qaybo ka mida dowlada ay humiliate-garayso (ama ceebeeyso), intii uu siyaasada soo galayna uusan arimo sidan oo kale ah aan la kulim, ha ahaato degaanka gudihiisa amaba xaga dowlada dhexe, ayaad moodaa inuu isku dhexyaacay, aadna ay u dhibeen dhacdooyinkaas aan kor ku soo xusnay. Cabdi Iley, oo wixii caqabada ah ee ka horyimaada ku xalin jirey, Xadhig iy Cagajugleyn, mixnad iyo khiyaamo, Lacag(Laaluush) xad dhaaf ah amaba intaba, ayaad moodaa inay hada u shaqayn la’yihiin, ood moodaa in laysku fahmay.

Hadaba isago oon xirfad kale oo uu wax ku xaliya aqoon, cid uu garab ka helayona ayna jirin, haday soomali tahay iyo haday Tigree tahayba, yaad moodaa inuu durba calaacal bilaabay, isaga oo dadka ku dhaw dhaw ku odhanaya, “meeshan inta uusan Sidii Mr. Meles Senawi Kansar igu dhicin waa iskaga tagayaa. Waxaa kale oo aad loo ogyajay in Cabdi Iley uusan adkaysi siyaasadeed lahayn, taas waxaa markhaati ka ah, sida uu ugu nugulyahay saxaafada, hadii hal maqaal laga soo qoro, cida website-kaas iska leh haduu la dagaalami karana wuu la dagaalamaa, hadii kalena wuu laaluushaa. Sida uu horey ugu sameeyey, websaydada, Kilil5.com, Faallo.com iyo Faafannews.com oo uu la dagaalaay, qaar kamida kuwaas, guryo ganacsi ooy ku lahaayeen magaalda Jijiga uu la wareegay. Sidoo kale Xaaj.com uu laaluush u direy. Waxaa kale oo jirta in Amin Artis uu mar iyo laba jeer sawir axaa kale oo jirta in Amin Arts uu mar ama laba jeer sawir ka sameeyey Cabd Iley intii uu siyaada soo galay, kadibna Cabdi Iley intuu dad ay Amin Arts saaxiibo yihiin uu ku yidhi wax dambe hayga soo qorin, lacagna uu u diray, sidaasna ilaa iyo hada, mudo sadex sano ku dhaw uusan Amiin Artis wax sawira oo Cabdi Iley ku saabsan uusan soo saarin.

Hadii ay noqoto Cabi Iley inuu madaxtinmadaka waayo, waxaa la yaab leh meesha uu ku noolaan doono, maadama uu isagu niman kii hore ee madaxweynaha soo ahaan jirey uu ka gadisanyahay, waxaynu oganahay in Cabdi Iley, uu intii uu Hogaanka nabad galyada ahaa iyo intuu madaxwynaha ahaa uu galay godob(Dil, xadhig, dhac, aflagaado) aad u balaadhan oo cidwalba saameeysay, haday tahy shanta milyan ee uu xukumo, intabadan madaxda dowlada dhexe ee uu ugu horeeyo prime Minsterka hada jooga(oo uu xili hore aad u aflagaadeeyey), Somalida deriska howguba daraato Hargaysa iyo dibada oo looga diyaariyay maxkamada damyida xaquuqda aadmiga ku saabsan. Markay ugu yaraato waa marka Jigjiga xabsi dheer lagu xidho, ee uu Jeel ogaadeen ugu tago Cabdi Bade iyo Aweys oo isaga gacanyareyaal dadka hogeeya u haan jirey.

Qore: Muxyadiin Aways(Kalafoge)

Waa suxufi dagan dalka Kenya, waxna ka qora arimaha geeska afrika

kalafoge2@outlook.com