Maxaa ka Jira Deegaanka Soomaalida?

 

W/Q Cabdisalaan Cali Maxamed: Ogadenia, waa deegaan Soomaaliyeed oo ay dagan yihiin dad Soomaali ah 100%. Deegaanka Soomaalidu waxaa uu ku jira gumaysi, waxaana uu qayb ka ahaa qaybsashadii qaarada Afrika ay reer Yurub qaybsadeen qarnigii 19naad. Ka guuridii Yurub ee qaarada Afrika qas bay ku dhaaftay qaarada. Borortooyadii Abssyinia oo hada ah Itoobiya waa dalka kaliya ee Afrika oo gumaysta dad Afrikaan ah “shame to Ethiopian intellectuals”, ka dib kolkii ay boqortooyada Ingriisku ku abaal marisay deegaanka Soomaalida (Ogaden) saaxiibtinimadii ka abuurantay dagaalkii 2aad ee dunida. Tan iyo xiligaas gabalka Soomaalida ee Ogaden waxaa uu taariikh u leeyahay halgan keenay dagaalo iyo colaado joogto ah oo ay dadka Soomaalidu ku doonayeen in ay ku hantaan xoriyadooda.

Deegaanka Soomaalida Ogadenia 27kii sano ee u dambeeyey waxaa uu ahaa deegaan colaadihii horay uga jiray sii labo laxaadsadeen. Waxaana ka jiray; barakac, dil, kufsi iyo xadhig xad dhaaf ah. Gabalka waxa laga mamnuucay hayadda samafalka ee caalmanka. Arintaas oo ay dawlada Itoobiya uga danlahayd in aan la maqal dhibaatooyinka ay ciidamadeedu u gaysanayeen shacabka Soomaalida.

Hayddaha xuquuqda aduunka ayaa sanad walba waxay ka soo saaraan warbixino xanuun badan oo sheegaya in lagu tuntay xuquuqda dadka.


Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeeniya (JWXO)

Jwxo, waa Jabhada kaliya ee hubaysan dagaalna ka waday deegaanka Soomaalida 27kii sano ee tagay, iyada oo ay ujeedadeedu daba socotay ujeedooyinkii ay lahaayeen dhaqdhaqaaqyadii ka horeeyey ee xoriyad doonka ahaa.

Arintaas darteed, ciidamada Itoobiya dhibaatooyin ayay dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed u gaysteen, waxaana saldhig u ahaa taageerada ay shacabku siiyaan Jabhada wadaniga xoraynta Ogadeeniya (JWXO).

 

Maamulada Soomaalida ee u Shaqeeya Itoobiya

Maadaama ay Itoobiya tahay dawlad gumaysi, lagama yaabo in ay marna ka fikirto wanaaga dadwaynaha Soomaaliyeed, laakiin waxay ka shaqaysaa kala fogaynta iyo iska horkeenka dadka Soomaalida ah, si ay uga faa,iidaysato, arintaas oo ah qaaciido uu maro gumaysi oo dhan “divide and rule”.

Sidaas daraadeed madax kasta oo ay Itoobiya u keento Deegaanka Soomaalida wanaag lagama filaayo, sifo walba oo uu ku yimaado.

Sida badanaaba dhacda, dadku waxay xusuustaan kolba waxa maskaxdooda ugu dambeeya, xanuun iyo macaan midkii uu ahaa.

Cabdulahi Maxamed Sacdi, oo kaliya ayaa ahaa ruuxa ay dadka Soomaalidu si xor ah u doorteen, xiligaas ayaana la sameeyey magacyada, deegaanka iyo hayydaha deegaanka.

 

Isabadalka Hogaanka Siyaasadda Itoobiya ku Yimid

Waa wax caadi ah, in madaxda, siyaasada iyo nidaamka dal uu hore u lahaa isbadal ku yimaado, taas macnaheedu ma ah in ujeedooyinka dalku isbadalay. Hogaanka iyo isbadalka siyaasiga ahiba waxay ka soo dhex baxaan dadka, dadkuna wuxuu leeyahay taariikh iyo dhaqan ay ku hirtaan kuna ilaaliyaan danaha dalkooda iyo dadkooda.

Isbadalka ku yimid hogaanka sare ee Itoobiya dadka Soomaaliyeed ee la gumaysto waxba uma soo kordhin doono.
Arimahu waxay ahaan doonaan sidii ay awal ahaayeen ama way ka sii xumaan doonaan!


Ishaa Macalina!

Abiye Axmed oo ah ninka maanta Itoobiya ugu baaqay afkaar xor ah, xulasho xor ah iyo cadaalad. Dab ayuu galiyey Deegaanka Soomaalida wuuna garab mariyey arimahii uu afka ka sheegay, wuxuuna ku ixtiraami waayey sharciga Itoobiya lagu dhaqo.

Abiye Deegaanka Soomaalida wuxuu ka abuuray qas iyo qabyaalad aan hore uga jirin isaga oo uga dan lahaa, arin aan hoos ku sheegi doono.


Ururada Mucaaradka Itoobiya

Ururada mucaaradka Itoobiya waxay isugu jireen ururo is garabsaday, laakiin kala aaminsan ujeedooyin.
Qaar waxay mucaar ku ahaayeen xukuumadii hore, qaarna waxay ahaayeen kuwa Itoobiya ka doonaya xoriyad.

Jwxo, waxay aaminsantahay in dadka Soomaaliyeed ee Ogadenia ay Itoobiya ka qaataan xoriyad, wado loo maraba. Wadahadalo ayaana u socday muddo dheer xukuumadihii tan ka horeeyey. Wadahadalkii ugu dambeeyey ee Itoobiya iyo Jwxo u dhaxeeyey wuxuu ka dhacay Nairobi, Kenya February 2018.

Xukuumada Abiye iyo Jwxo, waxay ku wada hadleen bilowgiiba in ay yimaadaan, kolka ugu horaysana ay la hadlaan maamulka ka jira deegaanka Soomaalida, sidaas si la mid ahna uu u sheegay Gibot 7 iyo OLF, wayna aqbaleen.


Maxaa Isbadalay?

Baaqii nabadeed ee ururada mucaaradka uu u fidiyey gogosha Abiye Axmed ka dib, waxaa timid su,aal waxa dhici kara mustaqbalka? Hogaaminta sare ee Itoobiya, waa Kaniisada Orthodix-ka, waxayna wadahadleen siyaasiyiinta hogaanka la wadaagta Abiye, waxaana la isla gartay in Jwxo ayna la mid ahayn ururada kale ee Itoobiya. Waxaa kale oo la istusay in deegaanka Soomaalida maamulkiisu leeyahay awood iyo kala dambayn. Cabdi Iley, waa madixii maamulka deegaanka, wuxuu qayb ka ahaa wadahadalkii u dhaxeeyey Itoobiya iyo Jwxo.

Waxaa la iswaydiiyey, hadii ay Jwxo, deegaanka oo sidaas ah ay timaado in culays xoog leh oo siyaasad iyo milatariba leh uu fuuli Itoobiya.

Cabdiraxmaan Maadeey oo ah xoghayaha guud ee Jwxo, wuxuu sheegay July 2018 in Jwxo shir ku qaban doonto deegaanka Soomaalida. Isla markiiba, waxaa shir dan leh ku baaqay qurbo-joog mucaarad ah oo Jawhar Maxamed waday July 31, 2018. Cabdi Iley wuxu isna diyaariyey shir lid ku ah midka qurbo-joogta August 5, 2018.

August 4, 2018, Abiye Axmed, ayaa ciidan militari ah u diray in ay qabtaan deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeya dadka Soomaalida ah iyo ciidamada miltariga. Ciidamada militariga waxaa garab istaagay shacabka ka yimid Itoobiyada kore. Cadhadii ka dhaatay garab siinta ciidanka shacabka Itoobiyada kore, waxay keentay isku dhicii shacabka Soomaalida iyo shacabka Itoobiyada sare.  

Weerarka ay ciidamada dawlada dhexe Jijiga ku qaadeen, waxaa ka dhalatay cadho, waxaana la dilay 29 shacab ah, guryana waa la bililiqaystay, Kaniisadana waxbaa la yeelay.

Maalomo ka dib Cabdi Iley waa la xidhay, waxaana Jijiga la keenay Jijiga Mustafe Cagjar. Mustafa Cagjar, kuma jiro baarlamaanka deegaanka, kamana mid ah xisbiga xukuma deegaanka, waxayna u arkeen shacabka Soomaaliyeed nin sharci daro ku yimid keensadayna Abiye Axmed.
Mustafe Cagjar, wuxuu yimid meel qasan iyo shacab gadoodsan ilaa iyo maantana ma haysto taageerada shacabka. In kasta oo shaki badan oo xagiisa iyo xaga deegaanka ah uu jiro, waa nin aqoon leh.

Deegaanka haatan waxaa gacanta ku haya ciidamada milatariga oo la wareegay August 4, 2018. Wax shaqo ah oo ka socotaana ma jirto, Iskuul ma fura, xarumihii caafimaadka, biyaha iyo dhamaan xafiisyadii maamulku ma hawlgalaan. Deegaanku wuxuu noqday deegaan ka dhacay dagaal dawladiina burburtay, oo wax walba uu bilow yahay.

Dagaalo beeleed iyo dawlad ka horjeed ayaa ka bilowday dhamaan gabalada, qabyaalada iyo isu hub uruursiga ayaa meel walba ka socda.

Waxaa maalin walba la xidhxaa dad badan oo u shaqayn jiray maamulkii hore iyo kuwa la beel ah, dadkaas oo ku xidhan xerada ciidanka milatariga ee garab case.

Ugu dambayn Abiye Axmed ujeedadii uu ka lahaa deegaanka Soomaalida wuu ka gaadhay, waan kayd ay awood ku kasbatay Oromo.

 

Gunaanad

Deegaanka Soomaalidu waa deegaan muddo dheer ku hoos jiray gumaysi, walina wuu ku sii hoos jiri doonaa, inta arintaas xal laga gaadhayana dhibaato ma dhamaanayso. Abiye Axmed, Hailemarim, Meles, Minigiste iyo Haile Selesie waa isku mid.


Dadka Soomaalida ee ku hadaaqaya Itoobiya way isbadashay, anigu ma garanayo waxa ay Itoobiya isku badashay “old wine in new bottle.”

Dadka Soomaaliyeedow waaya aragnimo ha idiinku filaato 27kii sano ee tagay Itoobiya waxa ay ka gaysatay geeska Afrika. Maanta in aad u midowdaan taageerada Xoriyad doonka, waa mida kaliya ee aad ku badbaadi kartaan.