Marin Habaabinta Ummada Somalida Ogadeeniya, Waxaa Masuul ka ah Munaafiqiin Been Isku Maa Weeliya!

 

Ogadentoday: “Sawiro – Xooggaga Jabhada ONLF oo Awoodooda Ciidan Sare u Kacday” Sidaasina waxaa qoray bogg ka mid ah boggaga beenta u fidiya Jwxo-shiil, oo sawiro la qaaday 2007-dii ka xaday theReporter.

Ruux walba waxaa saaran masuuliyad, masuuliyadaas oo uu u hayo dadkiisa iyo dalkiisa. Waxaana shakhsiga wadaniga ah xaaraan ka ah in uu dadkiisa marin habaabiyo, oo uu ku hago wax aan jirin isaga oo naftiisa kaliya raali galinaya.

Kolkii aanu aragnay ujeeda la,aanta Jwxo-shiil, iyo ihaanada uu u gaystay halgankii ay waday Jabhada ONLF, marar badana aanu kala hadalay in kooxda isaga uun maqasha ee aan indhaha iyo dhagaha lahayn, ayaanu bilownay in aanu ka hortagno dhibaatooyinka maxaabsiga ah ee ay Jwxo-shiil iyo kooxdiisu ku samaynayaan halganka.

Maalin walba, waxay internetyada ku soo bandhigaan been qalalan, oo aan wax nah ah lahayn, dadweynuhuna uusan xiiso u haynin. boggaaga u adeega ee aanu dadweynaha uga digayno in ay akhristaan waxaa ka mid ah; ogaden.com, ogadennet.com, ogadentoday.com, qorahey.com iyo hanqadh.

Waxaanu maanta idiin soo bandhigaynaa, sawiro ay soo qoreen oo ay leeyihiin halgankii cirkaas ayuu marayaa, kuwaas oo ay dadku moodayaan in ay yihiin kuwo hada gudihii laga soo qaaday. Nasiib wanaag beenaaluhu waxaa uu halmaamay in uu qariyo xaqlaha sawirada oo ah Jonathan Alpeyrie oo ah wariye degan Faransiiska soona bandhiga sawirada dagaalada.

Marka maxaad u malaynaysaan, faa,iidada ay ka heli kooxda Jwxo-shiil beenta intaas la egg ee ay u soo bandhigaan dadweynaha Somalida Ogadeeniya. Waxaan hubaa in dadweynuhu garanayaan danta ugu wayn ee kooxda Jwxo-shiil, waa uun Jahawareer ku aadan halganka iyo dhaqaale uruursi.

Waxaanu dadweynaha Somalida Ogadeeniya, u sheegaynaa in halgankeenii uu Jwxo-shiil hog ku riday, tanfaraaruqna gayeysiiyey bulshadeena.

rasaas.com