Majnuun Muxuu Qoraa?

 

Majnuun wuxuu qoraa Cay iyo cantarbaqash!

Webka Majnuunka ee loogu tala galay in looga been abuuro Halganka xaqa ah ee u shacabka reer Ogadeniya ku doonayo in uu ku gaaro aayo ka tashigiisa ee Haleelo la magac baxay, ayaan beriyahan dambe si gaar ah u akhrinayay.

Ujeedadda aan ka lahaa ayaa ahayd, in aan ogaado, ruux qora cidda ay tahay iyo damiirkiisa heerka uu gaarsiisan tahay.

Markaan dhawr qoraal oo dhadhan laawe ah akhriyay, arkayna inay cidda qoraa’i aysan lahayn Siyaasad fog, aadna u aragti gaaban ayaan ka gaabsaday akhrin tiisa.

Boga Haleeno waxaa iiga soo baxay, arimo dhawr ah, oon is lee yahay ma xumaateen In aan aragtidayda halkan idin soo dhigo.

1) Bogga Haleelo waxa qora hal qof, oo aad u aragti gaaban, isku sina wax u qora. Qofkii hal qoraal akhriya, way ku filan tahay in uu fahmo qaabka shaqsigaasi u Fikiro.

2) Takhtarka cilmi-nafsiga (psychologist) in aad ahaatid uma baahna, si loo fahmo Guuxa ka dhex dhawaaqaya waxa uu yahay iyo inay hayso [inferiority complex], oo aan daawo lahayn.

3) Kol waxaan is idhi, armuu u baahan yahay furdaamis [exorcism], kol hadduusan kala garanaynin waxa uu ku hadlayo.

4) Waxaa ii soo baxday oo kale in uusan isaga ahayn cidda hadlaysa, ee ay tahay wax loo soo dhiibay. Siddaas waxaan u lee yahay, waxaan ka dhadhamiyay hadaladiisa inuusan ahayn qof insider Jabhadda ah.

5) Siddoo kale waxaa muuqda in uusan ahayn qof bisil, oo ogg wax uu qorayo. Qoraaladiisa waxaa u badan cay, aflagaado iyo been aan marqaati lahayn. Sidoo kale In uu yahay qof yar waxaad ka garan kartaa qoraaladiisa, waayo ma laha wax tilmaamaya in uu Aqoon, wax garad, dulqaad intaba leey ahay. Shaqsigaa waxaa u dheer inuu doonayo in uu qoraal walba oo lagu soo qoro Xaajo.com in uu jawaab aragti gaaban ka bixiyo, oo intiisa badan ku salaysan tahay Cay, aan nuxur lahayn.

6) Qoraaladda Haleelo oo hal maskax oo aan fiyoobeen ka soo duxda, waxaa kale oo ay muujinaysaa dulqaad daradda, miir yaridda iyo seef la bood nimadda qofkaasi.

Isku soo duuduub, qofkan wax uu qoro, waxaa laga bartaa cayda, aflagaadda, beenta iyo qalafsanaanta shaqsiga guracan ee sidda qaabka xun loo soo tarbiyeeyay. Waa qof asluubta ka dhacsan, aqoon fiicanna u lahayn sidda wax loo qoro, aadna oga dhacsan nidaamyada loo doodo, ama akhristayaashiisa uu ku qancin karo.

Siddaa darteed waxaa ila quman in webkaasi iyo cidda qortaaba aan wakhti badan laysaga luminin, waayo waa [contra productive].

Rageh Abdulahi