Magaalada Jijiga oo Goob Colaadeed u Egg, Dabaal Dega Gimbood

 

Jijiga, May 27, 2012 [ras] – Iyada oo ay hal maalin inaga xigto dabaal dega maalinta Gimbood, ayey wararka ka imanaya magaalada Jijiga xarunta DDS, sheegayaan in labadii maalmood ee ugu dambeeyay magaalada laga qabtay dad badan.

Gudaha iyo jidadka soo gala magaalada Jijiga, waxaa meel walba taagan ciidamo Boolis ah oo hubaysan oo baadhaya dhamaan dadka socda, iyaga oo waydiinaya warqadaha aqoonsiga.

Dadka aan sidan waraaqaha aqoonsiga waxaa lagu xidhayaa saldhigyada Booliska ee magaalada iyo xarumaha degmooyinka.

Magaalada Jijiga oo ay ku nool yihiin 1,200, 000 ayaa labadii galabood ee u dambeeyey u ekayd bandoo, iyada oo ay dadku door bidaan in ay guryahooda joogaan intii ay dhib la kulmi lahaayeen.

Gimbood 20, oo ah maalintii ay xukunka la wareegtay xukuumada Yahaadhiga ayaa si wayn looga dabaal degaa guud ahaan dalka Ethiopia, iyada oo la qabto xaflado lagu waynayno maalinta Gimbood.

Dadweynaha ku nool magaalada Jijiga xarunta DDS, ayaa dareema ciqaab ay kala kulmaan ciidamada Booliska dabaal dega Gimbood. Meesha degaanada kale ee Ethiopia ay ka jirto farxad iyo dabaal deg.

Dadka ay qabtaan ciidamada Boolisku dabaal dega Gimbood ayaa si aan nidaamsanayn loo geeyaa xabsiga halkaas oo ay suurto gal tahay in ay mudo dheer ku jiraan. Ciidamada Booliska ayaa xabsiga kula deg dega dadka ay qabtaan intii ay ka hubsan lahaayeen ruuxa.

Degaanka Somalida Ethiopia nabad buuxda ayaa ka jirta, waxaana is waydiin leh colaada iyo cabsida aan jirin ee laga dareemayo ciidamada Booliska xagay ka imanaysaa?

Rasaasa.com