Madaxweyne Sayyid Cabdi oo Galabta Soo Gaadhay Jijiga

 

JijigaDecember 1, 2011 [ras] –  Madaxweynaha degaanka Somalida Ethiopia Sayyid Cabdi Maxamuud Cumar, oo soo dhamaystay waxbarsho dhawr bilood ku qaadanayey magaalada Addis Ababa ee xarunta Ethiopia, ayaa galabta dib ugu soo laabtay Jijiga caasimada degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyey garoonka dayuuradaha madaxweyne ku xigeenada, masuuliyiinta golaha wasiirada, ardayda dugsiyada, kooxaha fanka iyo dadweyne aad u badan oo teetsanaa garoonka ilaa iyo magaalada.

Madaxweynaha oo kula hadlay garoonka diyaarada dadweynihii soo dhawaynayey, ayaa uga mahad celiyey kalgacalka ay u muujiyeen. M/weynuhu wuxuu dhankiisa sheegay inuu u hiloobay intii uu ka maqnaa degaanka Somalida, in kasta oo aan hawsha ka waday buu yidhi Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay si wanaagsan ugu soo dhamaadeen hashii uu u joogay Addis Ababa, wixii uu ka soo faa,iidaystayna ula soo noqday dadkiisa iyo dalkiisa.

Madaxweynaha waxaa loo galibiyey xarunta madaxtooyada ee dawlada degaanka Somalida Ethiopia oo uu degan yahay, waxaana uu maalinta bari ah dib u bilaabi doonaa hawilhiisii shaqo.


rasaasa