Madaxweyne Sayid Cabdi oo Shalay la Kulmay R/wasaaraha Dalka Mudane Meles

 

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi-Iley], ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee degaanada dalka Ethiopia mutaystay amaanta ugu saraysa dawlada wadaaga Ethiopia.

 

Sayyid Cabdi Maxamuud Cumar, president of Somali Regional State

R/wasaaraha dawlada wadaaga Ethiopia ayaa isu taagay madaxweyne Sayid Cabdi, mar uu maalintii shalay u tagay R/wasaaraha oo yidhi “hore uma soo marin Somali-Ethiopian adiga kula mid ah dalka Ethiopia, waanan kugu amaanayaa wax qabadkaaga, waxaan rajeynayaa in madaxweyneyaasha degaanada Ethiopia ay kugu dayn doonaan.”

R/wasaare Meles Zenawi ayaa yidh “ESTV, waa TV-ga labaad ee laga leeyahay dalka Ethiopia ee caalmka oo dhan laga daawado iyo arimo kale oo badan.” Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu R/wasaaruhu yidhi “dadweynaha degaanka Somalidu  way ku jecel yihiin, ana waan ku raacsanahay.”

Madaxweynaha ayaa ku jira dhamaystirka Master Digreega ee barashada maamulka iyo maaraynta waxaana uu dhiibi doonaa dhawaan imtixaanka kama dambaysta ah.

Waxbarashada waxaa uu madaxweynuhu ku garab wadaa hawshiisa madaxweynenimo waxaana todobaad walbana uu mar la kulmaa golihiisa wasiirada.

rasaasa.com