Madaxweyne Sayid Cabdi oo Saraakiil Dhaqaale Magacaabay

 

Jigjiga, November 06, 2011[ras] – Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maanta digreeto madaxweyne ku magacaabay saraakiil aqoon u leh dhinaca dhaqaalaha. Saraakiishan oo ah labo aqoonyahan ayaa loo magacaabay xafiiska maaliyada.

1. Md. Mubaashir Dibad ayaa loo magacaabay in uu noqdo madax xafiiska qorshaynta maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha dawlada degaanka Somalida Ethiopia.

2. Md. Maxamed Ibrahin, ayaa loo magacaabay isna in uu noqdo ku xigeenka madaxa xafiiska qorshaynta maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha ee dawlada degaanka Somalida.

Masuuliyiintan oo lagu xulay aqoon iyo waayo aragnimo ay u leeyihiin dhaqaalaha, ayaa la filayaa in ay ka midho dhalin doonaan qorshaha horumarinta kobaca shanta sano ee degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweyne Sayyid Cabdi ayaa magacaabidii saraakiisha, ka dib kula dardaarmay in ay umadooda ugu shaqeeyaan dadaal iyo daacadnimo, kana fogaadaan wax alaale wixii wax u dhimi kara shaqadooda iyo sharaftooda.

rasaasa.com