Madaxweynaha Gabalka Somalida Itobiya oo Addis Ababa Saaka Tagay

 

Madaxweynaha gabalka Somalida Itobiya mudane Cabdi Maxamed Cumar [cabdi-iley] iyo waftigii uu watay, oo isugu jira wasiiro, qurba joog iyo xubno ka tirsanaan jiray ururka ONLF ee nabada qaatay oo haatan la shaqeeya maamulka gabalka ayaa saaka gaadhay Addis Ababa.

Waftiga oo booqasho ku tagay Waqooyiga Maraykanka iyo Yurub, ayaa intii ay joogeen dalalkaas waxay kulamo la qaateen dadka u dhashay gabalka ee u nool dalalka reer galbeedka.

Madaxweynaha iyo watigiisa ayaa sheegay in ay aad ugu soo guulaysteen safarkooda, ka dib kolkii ay cagta mariyeen taageerayaashii kooxda Jwxo-shiil, ee nabad diidka ah.

Qaar ka mid ahaa waftiga madaxweynaha ayaa waxay kaga hadheen dalalka galbeedka, si ay u soo dhamaystiraan hawsha uu madaxweynuhu u tagay dalalka reer galbeedka.

Waxaan la ogayn in ay la soo laabteen madaxweynaha iyo in kale xubnihii hore uga tirsanaan jiray ururka ONLF ee nabada qaatay, oo iyagu awal hore ku nool dibadaha.

Madaxweynaha ayaa waxaa sugaya hawlo aad u badan, ka dib kolkii uu dalka ka maqnaan mudo saddex todobaad ah. Hawlaha ay dadku aad ugu dhag taagayaan ayaa ah hawlaha dhinaca horumarka, kuwaas oo ah arimo soo jiidan kara dadkii hore u taageeri jiray ururka ONLF ee nabada qaatay iyo guud ahaan dadka u dhashay gabalka.

rasaasa.com