Madaxweynaha DSA oo Saacad ku Qaabilay Sagaalka Gabal

 

jadwalLondon, Jan 15, 2014 – Madaxwaynaha DSA Cabdi Maxmud Cumar, oo booqasho ku jooga London, ayaa maanta dhismaha safaarada Atoobiya, gabal gabal u qaabilay dad matalayey sagaalka gabal ee uu ka kooban yahay degaanka Somalidu.

Warkan oo aan ka soo xiganay dad ka qayb galay kulanka noo sheegay shaxda lagu qaabilay dadka. Madaxwaynaha ayaa mudo labo saac ah gudahood ah ku qaabilay dadka matalayey sagaalka gabal.

Waxaa kale oo la sheegay in maalinta Sabtida, oo ah maalinta lixaad ee madaxwaynuhu joogo London uu balamiyey in ay soo xaadiraan dad badan oo ka socda sagaalka gabal iyo sooraacooda.

Dhinaca kale kooxaha mucaaradka ayaa isu diyaarinaya banaanbax lid ku ah madaxwayne Cabdi, kuwaas oo ka dhigi doonaan mudaharaad kadinka safaarada Atoobiya, sida ay sheegeen.

Sidani waa sidii uu u qaabilay madaxwaynuhu dadka Gabalada  12:00 – 14:00

Faafan

Afdheer

Doolo

Jarar

Liibaan

Nogob

Qoraxay

Shabele

Sitti

15

15

15

15

15

15

15

15

15

 

 

Nasiib daro waxaanu helay oo kaliya sawirka gabalka Qoraxeey, oo ka mid ah gabalada uu madaxwaynuhu qaabilay.

Dhinaca kale waxaa Magaalada London gaadhay wasiirka beeraha degaanka Somalida Cabdirisaaq Cali, oo ka mid ah waftiga Madaxwynaha kana lug dambeeyey. Wasiirka waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah waftigii la socday madaxwaynaha.