Madaxweynaha Degaanka Somalida oo ka Soo Laabtay Safar

 

Addis Ababa, Mar 13, 2012 [ras] – Madaxweynaha degaaka Somalid Ethiopia oo mudo 11 maalmood ah safar ugu maqanaa dalka Ingriiska  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo gudoomiyaha xafiiska qurba-joogta Cabdi Aadan, ayaa waxaa garoonka diyaaraha ee Heathrow ku soo sagootiyey masuuliyiinta safaarada Ethiopia iyo  qaar ka mid ah qurba-joogta degaanka Somalida Ethiopia ee degan Ingriiska.

Ujeedada safarka madaxweynaha ayaa la xidhiidhay arimo isaga u gaar ah, waxaana intii uu jooga kala qayb galay quba-joogta Somalida ee dalka Ingriiska iibka boondhiga biyo-xidheenka Abbay.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay dalka Ingriiska, wuxuu ka qayb galay xaflado lagu iibinayey boondhiga biyo-xidheenka Abbay, taas oo sida la sheegay laga helay lacag qiimaheedu dhan yahay US$1.2milyan.

Waxaa kale oo uu madaxweynuhu ku qaabliya safaarada Ethiopia, dhamaan qabaa,ilada Somalida ee ku nool dalka Ingriiska. Madaxweynaha ayaa kala xaajooday qurba-joogta qabaa,ilada siyaasada geeska Afrika, gaar ahaan arimaha Somaliyeed. In kasta oosan jirin wax war ah oo ka soo baxay kulamada uu madaxweynuhu la galay qurbo joogta beelaha Somaliyeed.

Intii uu madaxwaynuhu joogay dalka Ingriiska waxay qurba-joogta degaanka Somalidu gaadhsiiyeen cabshooyin badan oo la xidhiidha dhinacyada arimaha bulshada ee degaanka. Arimahaas oo ay qurba-joogtu ka dhursugayaan wax ka qabashadooda laabashada Madaxweynaha ka dib.

rasaasa.com