Madaxweynaha Degaanka Somalida oo Booqasho ku Jooga Gabalka Shabeele

 

Madaxweynaha dawlada degaanka Somalida Itobiya, mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti uu hogaaminayo ayaa booqasho ku tagay degmada boodhcaano, oo ka mid ah 15 degmo ee dhawaan lagu daray degaanka Somalida.

Degmada boodhcaano waxay ka tirsan tahay gabalka Shabeele, waxaana ku yaal biya xidheenka wayn ee wabiga shabeele oo waraabiya beero ka mid ah beeraha gabalka.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadiisa ku weheliya, mid ka mid ah madaxweyne xigeenada dawlada degaanka Somalida Itobiya, oo la yidhaahdo Suldaan Wali, ahna wasiirka wasaarada biyaha.

Madaxweynaha, ayaa baryahanba booqanayey degmooyinka cusub ee degaanka, waxaana uu hore booqasho ugu tagay laba degmo oo ka mida degmooyinka cusub ee degaanka Somalida lagu biiriyey.

Degmooyinka cusub ee uu madaxweynuhu booqashooyinka ku tagay ayuu isla booqashada gudaheeda amray in laga dhiso dugsi sare.

Degmooyinka cusub ee la sameeyey ayaa la filayaa in la galin doono dhismayaal horumarineed oo deg deg ah, oo lagana yaabo in ayna hore uga jirin degmooyinkii hore u jiray.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu bari ku soo laabto degmada Jijiga ee xarunta Ismaamulka Somalida Itobiya.

Heshiiskii nabadeed ee Jabhadaha ONLF iyo WSLF, ka dib waxaa la filayaa in horumar deg deg ah laga sameeyo Degaanka Somalida Itobiya, si uu ula mid noqdo degaanada kale ee dalka Itobiya.

rasaasa.com