Madaxweynaha Deegaanka Somalida Ethiopia oo ka Degay London

 

London, Mar 2, 2012 [ras] – Madaxweynaha deegaanka Somalida Ethiopia, mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo la socda ayaa gaadhay magaalada London ee gayiga Ingriiska. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Heathrow masuuliyiinta safaarada iyo xubno ka tirsan Jaaliyaada degaanka Somalida Ethiopia.

Madaxweyne Cabdi ayaa ujeeddada safarkiisu yahay ka qeybgalka kulan ka dhici doona Safaarada Ethiopia ee London oo lagu iibinayo warqadaha daynta ee loo yaqaan boondhiga oo lagu maal galinayo Biyo Xidheenka Abbay [great millennium dam].

Kulanku wuxuu dhici doonaa March 4, 2012, waxaana lagu iibin doonaa warqadaha boodhiga [bonds] oo ay ku qoran yihiin qiimayaal kala duwan oo lacagta Ingriiska ah sida; £50 £100 £300 £500 iyo £1000.

rasaasa.com