Madaxweynaha DDSI oo Hambalyo u Diray Madaxweynaha Cusub iyo Shacabka Jubbaland

 

MADAXWEYNE-CABDIJijiga, May 16, 2013 – Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo  madaxweynaha la doortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).

Madaxweynaha DDSI ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Jubaland iyo Gedo midnimada iyo isjacaylka ay muujiyeen mudadii dheerayd ee ay socotay  doorashada Jubaland. Waxaana uu aad ugu amaanay hanaanka dimoqraatiyada ee ay codkooda u dhiibteen gudiga doorashada madaxwaynaha.

Waxaa kale oo madaxwaynuhu ugu hambalyeey shacabka doorashada madaxwaynaha dastuuriga ah Axmed Sheekh Maxamed Islaan [Axmed madoobe].

Wuxuu ugu hambalyeeyey madaxwaynaha la doortay in Eebe Wayne xilkiisa u fududeeyo. Shacabka Jubaland-na wuxuu madaxwaynuhu u rayeeyey horumar nabad galiyo.